Dhibaatada Jinsiyada ee baarlamaanka Australia oo wali sii socota

Dhibaatada Jinsiyada ee baarlamaanka Australia oo wali sii socota

House of Parliamen

Source: SBS

Iyadooy wali soconayso dareenkii ka dhex taagnaa Paarlamaanka ee ahaan dhanka Jinsiyada,  ayaa waxaa haatan banaanka lasoo dhigayaa taariikh-nolaleedka  xubnaha iyo qoysaska ay kasoo jeedaan Xubnaha Labada aqal ee Baarlamaanka Australia ee dhanka Jinsiyada.

Waqtiga la shaacinayo Macluumaadkan qof kasta oo xubin ka ah mid ka mida labada aqal iyo qoyskiisa ayaa ah : Dhanka Senatka,  maalinta Isniinta (04/12/2017) ayaa banaanka lasoo dhigayaa , iyagoo haystay  ilaa iyo Jamcadii na dhaaftay (01/12/2017)  galabnimadeedii,  in ay soo gudbiyaan macluumaadkooda.

 Halka dhanka Xubnaha Aqalka Hoose ay haystaan in ay soo gudbiyaan dhamaan macluumaadka loo baahanyahay,  ugu danbayn galabta Talaadada ah, iyadoo banaanka lasoo dhigi doono maalinka Arbacada ( 06/12/2017) .

 Ra'iisul wasaare Malcolm Turnbull, ayaa isagu ku goodinaya in ay xubna ka tirsan Laborka u gudbin doonaan maxkamada sare, arintan oo ka cadhaysiisay madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Laborka oo uu oogu horeeyo hogaamiyaha / Bill Shorten.

Jawaab ay ka bixiyeen ayaa waxa Laborku ay sheegeen in ay tahay arin cabsi keenaysa in wasiirada kaliya ay yihiin kuwa kiisaska maxkamada u gudbin kara, iyagoo ku goodiyay in hadii wixii la isku ogaa ay xukuumadu badasho , in ay cid walba maxkamada wax u gudbin karto.

 Tan ayaa u muuqata in xaalad cusub oo dareen wadata ay kusoo kordhin karto, arimaha tuhunka jinsiyad-labaad haysiga galaafatay tira hore oo xubnaha baarlamaanka Australia.

 


Share

Published

Updated

By Mohamed Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand