Madaxa gobalka Northern Territory Natasha Fyles aya shacabka gobalka uga digtay saamayn uu ku yeelan karo dhul-gariir xoog leh oo ka dhacay wadanka Indonesia.
Natasha oo adeegsatay baraha bulshada ayaa waxey uga digtay shacaka Northern Territory in ay dhici karto dhul gariirka ka dib rogaal-celino dhulgariira in ay dhacaan, taasina ay saameyn ku yeelan karto dadka gobalka, maadaama ay daris la yihiin goobta dhul-gariirka.
Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay (7.6 magnitude) ayaa ku dhuftay meel u dhow jasiiradaha Tanimbar ee dalka Indonesia, ee bariga Timor-Leste, dhacayna horaantii subaxnimada Talaadada (10 Jan. 23), iyadoo xudunta dhul gariirkuna ay ka dhacday masaafa bada gudaheeda ah, qiyaas ahaan jirta 90km.
Dhul-gariirkan oo ka dhacay Indonesia meel bada hoosteeda ah, ayaa waxaa laga dareemay gobalka Northern Territory ee Australia degaana ka mida, ayna ka midtahay caasimada gobalka Darwin, iyadoo la sheegay in dad ku dhaw 3,000 ay dareemeen dhul-gariirka ka dhacay wadanka Indonesia.
Xarunta Guud ee Digniinta Tsunamiga ee Australia waxay qiimeysay inaysan jirin khatar sunaami ah oo ku wajahan wadanka Australia.