Hay'adda Adeegyada Gargaarka Degdega ee Victoria ayaa sheegtay in dhul gariir cabirkiisu ahaa 6 heerka dhulgariirka ayaa ku dhuftay Victoria. Xudunta dhul gariirka ayaa la sheegay inuu ahaa Magaalada Mansfield ee Victoria uuna ka dhacay meel 10km dhulka hoostiisa ah.
Dad goob joogayaal ah ayaa SBS u sheegay in dhul gariirka ay dareemeen mudo 30 ilbiriqsi ah.
Dhul gariirkii hore ayaa waxaa daba socday dhowr kale oo yaryar.
Dhul Gariirka ayaa laga dareemay dhamaan Victoria iyo sidoo kale A-C-T iyo qaybo ka mid ah gobolka NSW.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhismayaal dhaawac gaaray.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison oo ku sugan Washington DC, ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu la xariiray madaxda Australia, dawlada federalkuna ay u diyaar tahay inay wixii taageero ah oo looga baahdo bixiso.
"Dabcan Dawlada Federalku diyaar ayay u tahay iyadoo isticmaalaysa Hay'adda Maaraynta Masiibooyinka in wax kasta oo looga baahdo bixiso, ama ha noqoto ciidanka qaranka ama taageero kale. Laakiin hadda wax qasaaro wayn ah ma jiraan, waana arin farxad leh." ayuu yiri Mr Morrison.