Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Dhulgariir weyn ayaa ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

Dhulgariir weyn ayaa ku dhuftay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, sidoo kalena sababay burburka gurya badan.

Earthquake in Elazig province, Turkey

Source: Supplied / Supplied by Hatice Kamer

Saraakiisha Gurmadka degdega ah ee Turkiga ayaa sheegay in dhanka Turkiga ay 76 qof ku dhinteen halka dhaawacana la sheegay in uu gaadhayo 440 qof.

Hay’ada Gurmadka Degdega ah iyo Musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariirka heerkiisu uu ahaa 7.4 magnitude.

Dhulgariirka ayaa ka dhacay koonfurta Turkiga gobolka Kahraman Murcish, isagoo dhacay 4:17 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah, isagoo socday mudo hal daqiiqa ah, wuxuuna sabab u noqday in ay dumaan dhismayaal badan, sidoo kalena wuxuu sababay dab weyn oo kacay.

Sidoo kale dhulgariirkan ayaa la sheegay in gobala kalena uu ka dhacay oo Turkiga ah, isagoo dumiyay gurya badan lana sheegay in dad ay ku jiraan weli goobaha burburay.

Dhinaca Syria, warbaahinta dowladda Suuriya ayaa ku warramaysa ugu yaraan 100 dhimasho ah iney jirto iyo in ka badan 200 oo qof oo kale oo ku dhaawacmay.

Waa mid ka mid ah dhulgariirada ugu awoodda badan ee ku dhuftay gobolka u nugul dhulgariirka qarni gudihiis.

Waxay ahayd mid aad u xoog badan, waxaa laga dareemay meel fog sida Qubrus, Masar, Lubnaan, Falastiin, Ciraaq iyo Griiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in shaqaale ka socda daafaha Turkiga loo diray aagaga ay dhibaatadu ka dhacday si ay u caawiyaan.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan (Recep Tayyip Erdoğan) ayaa isagu si dhaw ula socda hawlaha gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ee socda, isagoo iyadoo si toosa loogu tabinayo xaaladaha wax qabadka ee saaxada ka socda.


2 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now