Dibadbaxyada iyo rabshadaha ayaa wali kasii socda Maraykanka

RW Scott Morrison ayaa ka hadlay rabshada Maraykanka ka socda iyo dibadbaxyo lagu wado in lagu qabto Sydney.

Primer Ministro australiano, Scott Morrison.

Primer Ministro australiano, Scott Morrison. Source: AAP Image/Joel Carrett/AP Photo/Seth Wenig

Rabshadaha iyo dibadbaxyada ayaa wali ka socda Maraykanka iyadoo gaari kuwa xamuulka ah uu dhexgalay dad ku mudaharaadayay magaalada Minneapolis.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkii gaariga waday laga soo saaray lana garaacay kadibna boolisku xiray.

Gaariga xamuulka ah ayaa wadada wayn si sharci daro ah ugu socday maadaama wadada la xiray laakiin cidna muu jiirin.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay geeridii George Floyd oo ahaa nin madow ah oo ku dhintay gacanta booliska Minneapolis, waxayna ku fideen magaalooyin kale ee dalka oo dhan ah taasoo sababtay jahawareer iyo in lagu soo rogo bandow magaalooyin badan.

Duqa magaalada Washington D-C, Muriel Bowser ayaa sheegtay inay taageersan tahay sababta dadku u diba baxayaan laakiin rabshadahu ay yihiin wax aan la aqbali karin.

"Waa fahansanahay, waana difaacaynaa xaqa ay u lee yihiin inay dibad baxaan, laakiin xaq uma laha inay magaaladeena burburiyaan. Waxay ila tahay in madaxweynuhu door qaran ka cayaari karo sidii loo dajin lahaa dibad baxyada ka socda magaalooyinka kala duwan ee maraykanka. Markay ugu yaraato ma ah inuu rabshadaha sii kiciyo," ayay tiri Ms Bowser.

Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku baaqay in la dhameeyo sinaan la'aanta midabka ee ka jirta Maraykanka iyo dalkiisa Canada.

Ra'iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dibadbaxyo la qorshaynayo inay ka dhacaan Sydney barito oo Talaado ah aan loo baahnayn.

Waxaa la isla mid dhigayaa dhimashada George Floyd iyo dhimashada Aboriginalka ku geeriyooda xabsiyada dalkan Australia.

Laakiin Mr Morrison ayaa sheegay in Australia iyo Maraykanku ay yihiin labo dal oo kala duwan.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Dibadbaxyada iyo rabshadaha ayaa wali kasii socda Maraykanka | SBS Somali