Digniin loo jeedinayo dadka sugaya dhalshada Australia ama fiiso deganaansho codsaday

Digniin loo jeedinayo dadka sugaya dhalshada Australia ama fiiso deganaansho codsaday

Australian passport

Source: AAP


Golaha Qaxootiga Australia ayaa sheegay inay maqleen tiro badan oo ah qaxooti laga kansalay fiisada ay haysteen iyagoo dalka dibadiisa ku maqan.

Inta ayay sheegeen inay tani dhacdo kadib marka uu xaraysto codsiga lagu qaato dhalshada Australia ama fiiso kale u xaraysan tahay.

Golahan ayaa dadka kula talinaya inaysan dibada u safrin haddii ay xaraysteen codsiga dhalashada Australia.

Golaha ayaa sheegay in sababta ugu badan ay tahay in qofka suaal lagasoo waydiiyo arjiga dhalashada ama loosoo diro qoraal loogu sheegayo in dawlada ka fakarayso inay fiisada kansasho iyadoo qofka lasiinyo 10 maalmood inuu uga jawaabo oo siiyo dawlada sabab aan fiisada looga kansalin.

Haddii qofku maqan yahay oo 10 maalmood la dhaafana fiisada waa la kansalayaa iyadoo qofku uusan ogaynba markuu qofku kusoo noqdo dalka ayaa loo shaagayaa inuusan soo gali karin maadaama fiisadii laga kansamay.

Golahan ayaa dadka kula talinaya inay talo sharciyeed doontaan ka hor inta aysan dalka dibadiisa u safrin.

 

 



Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Digniin loo jeedinayo dadka sugaya dhalshada Australia ama fiiso deganaansho codsaday | SBS Somali