Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Digniin loo jeedinayo dadka sugaya dhalshada Australia ama fiiso deganaansho codsaday

Digniin loo jeedinayo dadka sugaya dhalshada Australia ama fiiso deganaansho codsaday

Australian passport
Source: AAP

Golaha Qaxootiga Australia ayaa sheegay inay maqleen tiro badan oo ah qaxooti laga kansalay fiisada ay haysteen iyagoo dalka dibadiisa ku maqan.

Inta ayay sheegeen inay tani dhacdo kadib marka uu xaraysto codsiga lagu qaato dhalshada Australia ama fiiso kale u xaraysan tahay.

Golahan ayaa dadka kula talinaya inaysan dibada u safrin haddii ay xaraysteen codsiga dhalashada Australia.

Golaha ayaa sheegay in sababta ugu badan ay tahay in qofka suaal lagasoo waydiiyo arjiga dhalashada ama loosoo diro qoraal loogu sheegayo in dawlada ka fakarayso inay fiisada kansasho iyadoo qofka lasiinyo 10 maalmood inuu uga jawaabo oo siiyo dawlada sabab aan fiisada looga kansalin.

Haddii qofku maqan yahay oo 10 maalmood la dhaafana fiisada waa la kansalayaa iyadoo qofku uusan ogaynba markuu qofku kusoo noqdo dalka ayaa loo shaagayaa inuusan soo gali karin maadaama fiisadii laga kansamay.

Golahan ayaa dadka kula talinaya inay talo sharciyeed doontaan ka hor inta aysan dalka dibadiisa u safrin.

 

 


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now