Madaxa caafimaadka Australia ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan kororka kiisaska COVID-19 ee dalka oo dhan, isagoo ku booriyay dadka Australiyaanka ah inay gacan ka geystaan yareynta faafitaanka cudurka.
Tala cusub oo uu bixiyey Paul Kelly, Madaxa Caafimaadka Australia, ayuu ugu yeedhay dadku in ay xidhaan afduubka marka ay joogaan goobaha shaqada, isagoo sidoo kalena dhinacyada loo shaqeeyo ugu yeedhay in ay u ogolaadaan shaqaaluhu in ay guryaha ku shaqeeyaan, sidoo kalena wuxuu ku booriyey dadku in ay qaataan talaalka, dhameytirtaana talaalada.
Dhinaca kale Maamulka Victoria - ayaa sababa la xidhiidha cudurka COVID- 19 oo si cusub u fidaya - ayaa ardada iyo waalidiinta Gobalka Victoria ku booriyey in caruurta da’adoodu tahay sideed jirka iyo wixii ka weyn, in laga codsanayo in ay xidhaan afduubka waqtiga ay ku jiraan fasalka dhexdiisa inta xiliga qaboobaha ka dhamaanayo.
Afduubkan Ayaan laga rabin in caruurtu xidhaan haday meel banaan joogaan, sidoo kalena qofkii qaadan waayana uusan wax ciqaaba mudani doonin,
Ku xigeenka Premier-ka Jacinta Allan ayaa sheegtay in codsiga ardaydu uu la jaan qaadayo taladii xooganeyd ee ay soo saartay wasiirada caafimaadka gobolka Victoria Mary-Anne Thomas usbuucii hore, ahaydna in la xidho afduubka marka gudaha meelaha xidhan lagu jiro sida guryaha, fasalada iyo xafiisyada.
Wasiirada waxa ka mid ahaa hadalkeedii “Tani waxay ku saabsan tahay siinta macluumaadka shakhsiyaadka, goobaha shaqada, qoysaska, bulshada si guud ahaaneed, sidii ay si ku haboon uga qayb qaadan lahaayeen sii wadida dadaalada xakameynta cudurka, Waxay ku saabsan tahay ilaalinta naftooda, asxaabtooda shaqada, qoyskooda iyo kuwa la jecel yahay inta lagu jiro xiligan aadka u dhibka badan, ee ay wajahayaan nidaamyada caafimaadka iyo bulshooyinka dalka oo dhan."