Diyaarad ku dhacday Nepal ayaa weli baadhitaankii socdaa.

Diyaarad rakaaba oo duulimaad maxaliya oo 27 daqiiqa ahayd ku jirtay ayaa ku dhacday magaalada Bokhara ee wadanka Nepal.

airplane crash

Source: Facebook

Diyaarad rakaaba oo duulimaad maxaliya oo 27 daqiiqa ahayd ku jirtay ayaa ku dhacday magaalada Bokhara ee wadanka Nepal.

Diyaarada oo Yeti Airlines aheyd ayaa siday rakaab dhan 72 qof, iyadoo kasoo duushay magaala madaxda Nepal Kathmandu, iyadoo ku socotay magaalada Pokhara oo ah albaabka laga galo jidka marinka u ah buuraha caanka ah ee loo dalxiiska tago ee Himalayas.

Maalintii Axada ahayd ayey diyaaradu dhacdey, waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyey in 68 qof dhimasha lagu ogaadey, iyadoo baadhitaanadii burburka maanta Isniinta dib loo bilaabay, balse saacadba saacada ka danbeysa ay sii yaraaneyso rajada laga qabo in dad badbaadey la helo.

Sababta dhabta ah ee dhicitaanka ayaan weli la ogaanin, iyadoo la xaqiijiyey in ayna jirin culaysyo dhanka jawiga ah, waxaase soo baxeysa in duuliyuhu uu xidhiidh la sameeyey garoonka diyaaradaha ee Pokhara, balse wax yar kadib ay diyaaradii dhacdey.

Sida ay muujineyso xogaha Shabakadda Badbaadada Duullimaadka ee Nepal, shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca wadanka tan iyo 1992-kii, markii diyaaradda Pakistan International Airlines Airbus A300 ay ku burburtay buur ku dhow Kathmandu, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 167 qof ee saarnaa.

Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australia ayaa sheegtay in ay la socoto xaalada diyaaradaas burburtay, iyagoo usii kuurgalaya suurta galnimada in dad Australiana ay kamid ahaayeen rakaabka diyaarada, iyagoo diyaarna u ah in xaalad kasta oo ay noqoto in ay habka ugu haboon ula mucaamali doonaa.



Share

Published

Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Diyaarad ku dhacday Nepal ayaa weli baadhitaankii socdaa. | SBS Somali