Donald Trump has warned Saudi Arabia's King Salman he would not last “two weeks" without the backing of the US military.

US President Dnald Trump and Saudi Arabia King Salman Bin Abdulaziz Al-Saud

File image of US President Dnald Trump and Saudi Arabia King Salman Bin Abdulaziz Al-Saud. Source: EPA/SAUDI PRESS AGENCY

Madaxweynaha dalka maraykanka Donald Trump ayaa boqorka Sacuudiga ugu digay inuusan talada sii haynkarin 2 asbuuc haddii aysan taageerin milatariga Maraykanku.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisu qayb ka ahaa cadaadis uu dhawaanahan saarayay dalalka ay saaxiibada yihiin isagoo ka dalbanaya boqortooyada inay kordhiso waxsoosaarka saliida ceeriin iyo miisaaniyada gaashaandhiga haddii kale amaankeedu qatar galayo.

Isagoo ka qudbaynaya isusoobax ka dhacay gobolka Mississippi, ayuu madaxweynuhu yiri: "Boqor Salman waan jeclahay, Laakiin waxaa ku iri, "boqor waan ku difaacaynaa. la'aanteena labo asbuuc masii jiraysid ee waa inaad iska bixisaa qarashaka ku baxay milatarigeen ku ilaaliya"

Madaxweyne Trump ayaan faahfaahin waqtiga uu la hadlay boqortooyada Sacuudiga laakiin warar ayaa sheegay in labada hogaamiye ay qadka telefoonka ku wada hadleen dhamaadkii asbuucii lasoo dhaafay.

Wakaalad warar oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa sheegtay in labada hogaamiye ay ka wadahadleen dadaal lagu doonayo in saliida ceeriin ee ay sacuudigu soo saaryo aan la dhimin si loo hubiyo xasiloonida suuqyada saliida sidoo kalana la xaqiijiyo kobaca dhaqaalaha caalanka.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Sacuudiga kadib hadalka madaxweyne Trump.

Intii uu socday shirkii golaha guud ee QM asbuucii lasoo dhaafay Mr TRump ayaa dhaliilay dalalka soo saara batroolka isagoo sheegay in ururka dalalka batroolka dhoofiya ee loosoo gaabiyo OPEC  ay dunida inteeda kale dhacaan waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo intaa ku daray in qaar badan oo ka tirsan dalalkaas uu Maraykanku difaaco lacagna aan laga qaadin waana inay qayb ka bixiyaan qarashka lagu difaacayo.

"Waxaan doonaynaa inay dhimaan qiimaha batroolka" ayuu raaciyay

Maraykanka iyo Sacuuudiga ayaa xiriir dhow oo milatari ka dhexeeyaa oo ay ku jirto howlgalada lagasoo horjeedo kooxda IS ee bariga dhexe.

Kadib shirmadexeedkii 2017 , labada dal ayaa ku heshiiyay in la kordhiyo iskaashiga dhanka amaanka badda, diyaargarowga milatari, ciidanka lays dhaafsado iyo amaanka dhanka internetka ah.

 Saudi Arabia ayaa ah dalka Maraykanka  ka iibsada qalabka milatariugu ee badan.
Saudi Arabia ayaa lagusoo dhaweeyay Mr Trump markuu booqashadii ugu horaysay ku tagay boqortooyada intuu xilka qabtay.

Saudi Arabia ayaa hadda soo saarta ku dhawaad 10 malyan oo fuusto oo saliida ceeriin ah maalinwalba iyadoo markii ay ugu badnayd gaarsiisay 10.72 fuusto maalintiiba.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand