Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Trump tries to calm storm over his press conference in Helisinki

Russia US Summit in Helsinki, Finland - 16 Jul 2018
President Donald J. Trump (L) and Russian President Vladimir Putin (R) shake hands during a joint press conference Source: REX/Shutterstock

Madaxweynaha Maraykanka ayaa isku dayay inuu dajiyo mawjado dhaliilo ah oo loogasoo jeediyay inuu ku guuldaraystay inuu kala xisaabtamo Madaxweyne Putin faragalin la sheegay in Ruushku ku sameeyay ololihii doorashada 2016.

Mr Trump ayaa sheegay inuu hadalkiisii Helisinki uusan ahayn siduu ula jeedaya markuu shir jaraaid la qabtay madaxweyne Putin.

Mr Trump ayaa ka fajiciyay siyaasiyiinta dimoqraadiga iyo kuwa Jamhuuriga isniintii markuu iska fogeeyay inuu ku dhaliilo hogaamiyaha Ruushka talaabadii uu ku faragaliyay doorashadii.

Wuxuu sidoo kale shaki galiyay awooda hayadaha sirdoonka Maraykankanka.

Isagoo garabtaagan Madaxweyne Putin ayuu Trump warbaahinta u sheegay inuusan ku qancin in Ruushku ka danbeeyay faragalintii doorashada.

Hadase isagoo hore u yiri ' ma arko sabab ay Ruushka u noqoto, wuxuu taa badalkeeda leeyahay waxaan ula jeeday ma arko sabab aysan Ruushka u noqon cida faragalinta ku kacday.

Madaxweyne Trump ayaa yiri :" Markaan soo noqday ayaan is iri; Maxaa dhacay, buuqu muxuu ahaa,hadalkii oo qoraal ah ayaan aqriyay, waxaan sidoo kale dib u daawaday fidiyowga jawaab aan bixiyay, markaas ayaan dareemay inay tahay inaan sharaxaad ka bixiyo"


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now