Madaxweynaha Maraykanka ayaa isku dayay inuu dajiyo mawjado dhaliilo ah oo loogasoo jeediyay inuu ku guuldaraystay inuu kala xisaabtamo Madaxweyne Putin faragalin la sheegay in Ruushku ku sameeyay ololihii doorashada 2016.
Mr Trump ayaa sheegay inuu hadalkiisii Helisinki uusan ahayn siduu ula jeedaya markuu shir jaraaid la qabtay madaxweyne Putin.
Mr Trump ayaa ka fajiciyay siyaasiyiinta dimoqraadiga iyo kuwa Jamhuuriga isniintii markuu iska fogeeyay inuu ku dhaliilo hogaamiyaha Ruushka talaabadii uu ku faragaliyay doorashadii.
Wuxuu sidoo kale shaki galiyay awooda hayadaha sirdoonka Maraykankanka.
Isagoo garabtaagan Madaxweyne Putin ayuu Trump warbaahinta u sheegay inuusan ku qancin in Ruushku ka danbeeyay faragalintii doorashada.
Hadase isagoo hore u yiri ' ma arko sabab ay Ruushka u noqoto, wuxuu taa badalkeeda leeyahay waxaan ula jeeday ma arko sabab aysan Ruushka u noqon cida faragalinta ku kacday.
Madaxweyne Trump ayaa yiri :" Markaan soo noqday ayaan is iri; Maxaa dhacay, buuqu muxuu ahaa,hadalkii oo qoraal ah ayaan aqriyay, waxaan sidoo kale dib u daawaday fidiyowga jawaab aan bixiyay, markaas ayaan dareemay inay tahay inaan sharaxaad ka bixiyo"