Doorashadii oo bari ah iyo Morrison oo amniga Baasifiga jawaab u waayey.

Raysul Wasaare Morrison, ayaa ka gaabsadey ka jawaabida warar soo baxay oo sheegaya in wasiirada arimaha dibada ee Australia ay soo jeedisay in gargaarka Baasifiga la siiyo in la labanlaabo si looga hortago Shiinaha isku balaadhinaya Baasifiga, balse hindisaha wsirada la diiday.

Prime Minister Scott Morrison greets Solomon Islands Prime Minister Manasseh Sogavare at the Pacific Islands Forum in Funafuti, Tuvalu in 2019.

Source: AAP / MICK TSIKAS/AAPIMAGE

Raysul wasaare Scott Morrison ayaa iska diiday inuu faala ka bixiyo yeelid ama diidmo, mar wax laga weydiiyey war  soo shaac baxay oo sheegaya , in wasiirada arimaha dibada Marise Payne, ay soo bandhigtay qorshe ay ku dooneyso  in la labanlaabo gargaarka la siiyo dalalka Baasifiga (Pacific) ku yaala.

Wargeysyada Australia qaar ka mida ayaa soo qorey in hindisahan ay soogudbisay wasiirada arimaha dibada waqti ahaana uu ahaa bishii November sanadkii na dhaafay, waqtigaas oo xili dhaxaadka qiimaynta Miisaaniyada dawlada ku beegnaa, iyadoo codsigeedu ahaa in la labanlaabo gargaarka ay Australia siiso wadamada Baasifiga . 

 Wargaysyadu sida ay sheegeen qorshahan ayey wasiirada ujeeda ahaan ka laheyd in lagaga hor tago saamaynta Shiinaha ee wadamada Baasifiga  ku wajahan.

 Gudiga Amaanka ee Baarlamanka oo qorshahan la hor dhigay ayaa diidey meelmarintiisa, iyadoo la sheegay iney ku cileeyeen in dhaqaala xad dhaafa uu ku baxayo . Waxaase wargaysyadu  intaas ay ku darayaan in  diidmada qorshaha wasiirada  uu dhacay bilo ka hor heshiiska amniga ee Solomon Islands iyo China ay wada gaareen.

 Warkan ayaa soo baxaya xili aad xasaasi u ah oo doorashada Australia ay saacada ka hadheen, wararka noocan oo kalena ay dhici karto  in ey  saameyn ku yeelato go'aan qaadashada dad badan oo Australian ah, si gaara dadka aan tirada yareyn ee aan wali go'aan ku qaadanin cida ay taageeri lahaayeen.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Doorashadii oo bari ah iyo Morrison oo amniga Baasifiga jawaab u waayey. | SBS Somali