Dowladaha Pacific-a oo soo dhaweeyey mawqifka Australia ee cimilada.

Xukuumada cusub ee Xisbiga Laborka ee Australia ayaa wax ka badashay siyaasadihii hore ee isbahaysigii wadanka xukumay ay ku sucdeen. Siyaasadaha wax laga badalay waxaa u horeeya arimaha cimilada. Siyaasada cimilada ee Xukuumada Laborka ayaa soodhaweyn ka heshay dowladaha Pacific-a.

Australian Prime Minister Anthony Albanese (R) and Foreign Minister Penny Wong (L) are in Suva, Fiji, for the Pacific Island Forum leaders' meeting.

Australian Prime Minister Anthony Albanese (R) and Foreign Minister Penny Wong (L) are in Suva, Fiji, for the Pacific Island Forum leaders' meeting. Source: Getty / WILLIAM WEST/AFP

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese, ayaa dhowr kulan doceedyo ku yeeshay kulanka Madasha Jaziiradaha Baasifiga isagoo wada xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Albanese ayaa la kulmay hogaamiyayaasha Samoa, Dawladaha Federaalka ee Micronesia, Solomon Islands iyo Fiji.

Waa markii ugu horeysay ee Madasha Pacifigu ay kulan toos ah kulmaan tan iyo 2019,  sababo la xiriira faafida COVID-19, waxayna sidoo kale daba socotaa dadaalo wadajir ah oo looga gaashaamanayey saamaynta shiinaha ee Gobalka Pacifiga, ka dib markii ay heshiis dhanka amniga ah la saxiixatay Solomon Islands.

Anthony Albanese ayaa sheegay in dowladda cusub ee Australia ay beddeshay mowqifkeeda ku aaddan arrimo badan oo ay ka mid yihiin is beddelka cimilada, taasoo ilaa hadda ay soo dhaweeyeen dawladaha dhaca badda Pacific-ga.

Albanese oo hadlaya waxa uu yiri  “madasha Pacific-u waa dhismo muhiim noo ah inaga, anagoo ah dhamaan xubnaha qoyska Pacific-ga, si ay awood ugu yeeshaan inay isu yimaadaan oo ay is maqlaan, si ay u yeeshaan wadahadal ixtiraam leh. Dawladayduna - dabcan waa mid cusub - laakiin waxaan ku bilownay si degdeg ah ku hawlanaanshaha mawqifkayaga cusub ee aagagga sida isbeddelka cimilada iyo ku xidhnaanshaha Pacific-ga”.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand