Eedayma Culus oo Jinsiya ayaa lagu soo eedeeyay duqa magaalada Melbourne / Robert Doyle.
Eedaymahan gabadha soo oogtay ayaa waxa ay tahay / Ms Tessa Sullivan, oo ah abukaate, xaasa, sadex caruurana haysata. Gabadan ayaa Jagadeedii iska casishay Jamcadii (15/12/2017) , iyadoo shaqa ahaan qaabilsaneyd, dadka gurya la’aanta ah, badbaadada magaalada, qorshaha degaanka raqiiska, iyo daryeelka dadka da’ada weyn.
Eedaymaha gabadhani ay soo gudbisay ayaa waxa ka mida, in ay sheegtay in Robert, uu naaskeeda qabtay, kadibna hadala jinsiya uu ku yidhi. Sidoo klae waxa ay cabashadeeda ku dartay, in ay jirto gabadh kale oo iyadana u sheegtay in 2014 kii , uu si aan haboonayn u taabtay, balse gabadhan danbe, wali si rasmi ah, wax cabasha ah uma ayna gudbinin.
Dhankiisa duqa magaalada Melbourne / Robert Doyle, ayaa isagu sheegay in ayna jirin wax tafaasiila oo cabasha ah, oo si rasmi ah loogu soo gudbiyay , balse uu warbaahinta ka ogaaday waxyaabaha lagu eedaynayo.
Robert- oo jagada duqa magaalada Melbourne loo doortya sanadii 2008, noqdayna ninkii oogu waqtiga dheeraa - ayaa sheegay in arintan ay sumcadiisa dhaawac u gaysanayso, ma ah kaliya jagada uu hayo, balse sidoo kale qoyskiisa. Waxa uuna intaas ku daray in uu si wanaagsan oola shaqayni doono baadhitaanada, isagoo doonaya in magiciisa uu nadiifiyo. Waxaa kaloo uu sheegay in uu muda bila shaqada ka fadhinayo, inta baadhitaandu ay socdaan, balse uu sheegay in taasi ayna ka dhignayn in uu khalad qirtay.
Gudoonka Magaalada Melbourne, aya cadeeyay in ay haatan magacaabeen gudi madax banana oo arintaas baadhitaan ku samaynaya.