Dutton to get citizenship overrule powers under new laws

Wasiirka socdalka oo doonaya in awood loo siiyo inuu tuuri karo go'aanka ay maxkamada shibilku ka gaarto arimaha dhalashada.

File image of Immigration Minister Peter Dutton

File image of Immigration Minister Peter Dutton Source: AAP

Wasiirka socdaalka ayaa doonaya in dawlada federalka la siiyo awood ay ku tuuri karto go'aanka ay maxkamada shibilku ka gaaro arimaha muwaadinimada sababtoo ah ayuu wasiirku "Australia waxay ku jirtaa waqti ka duwan kii 10 sano ka hor ay ku jirtay.

Peter Dutton ayaa horeba u haystay fursad uu ku diido go'aan ay maxkamada  shibilku ka gaartay arimaha fiisooyinka, laakiin wuxuu doonayaa in awoodaas loosii kordhiyo iyadoo isbahaysiga taladaa hayaa ay wadaan qorshe isbadalo ah oo ay baarlamaanka horkeeni doonaan asbuucan.

Dutton ayaa yiri" Macneheedu ma ah inaan gabi ahaanba go'aanka maxkamada tuurayno sababtoo ah wali dadku waxay awood u leeyihiin inay maxkamada federalka aadaan"

"Waxaan kaliya oo aan doonayno waa in sharuucda muwaadinimadu ay la mid noqdaan kuwa fiisooyinka oo aan awood u leeyahay inaan bixiyo ama diido" ayuu intaa ku daray wasiirku.

Mr Dutton ayaa sheegay in inkastoo aqlabiyada dadka qaata dhalashada Australia ay yihiin dad fiican oo shaqaysta laakiin "Australia siday ahayd 5 ama 10 sano ka hor ma aha"

“Aad baan uga xumahay in dad badan oo siyaasadaha dhanka bidix iyo xisbiga Laborku ay markiiba ka horyimaadeena arintan aan isleeyahay waa mid sax ah" ayuu ku daray wasiirku.

Raiisul wasaarihii hore Tony Abbott ayaa ku raacay wasiirka socdaalka.

Mr Abbott ayaa intaa ku daray in haddii xubnaha ka tirsan maxkada shibilku ay gaaraan go'aan lama filaan ah in markaas aan loo cuusboonaysiin qandaraaska shaqada.

Andrew Leigh oo ka tirsan mucaaradka Laborka ayaa sheegay in xisbigiisu mari doono nidaamka caadada u ahaa marka ay go'aan ka gaarayaan inay taageeraan isbadalada muwaadinimada ee dawladu wado.

Laakiin Dr Leigh ayaa ku dhaliilay dawlada inaysan soo bandhigin faahfaahinta arintan ilaa markii ay ku dhawaaqday bishii April isagoo intaa ku daray in fikrada ah in imtixaan luqada oo adaga la qaado aysan ahayn wax macquul ah.

Afhayeenka arimaha socdaalka u qaabilsan xisbiga Greenka  Nick McKim ayaa ku tilmaamay isbadalada dawladu wado kuwo ajanabi nacayb ah oo aan cadaalad ahayn loogana dan leeyahay in lagu wiiqo dhaqamada kala duwan ee Australia.

Wuxuuna uga digay Bill Shorten iyo xisbigiisa Laborku inaysan taageerin waxa uu ugu yeeray siyaasadaha ajanabi nacaybka ah.

Sharcigan lasoo hordhigayo baarlamaanka ayaa sidoo kale dheeraynaya waqtiga ay dadku sugayaan inay codsadaan dhalashada Australia iyadoo laga dhigayo 4 sano in qofku hasyto deganaansho. Waxaa sidoo kale laga qaadayaa imtixaan la xariira qayimka Australia iyo in dadku muujiyaan inay wadanka dhexgaleen.

PM announces new citizenship rules


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand