Duulimaadyada caalamigaa oo ay dhici karto inay ku soo noqdaan Victoria asbuuyo guduhood

Indian flights

India extends ban on international flights till September 30 Source: Twitter

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa sheegay in dib u bilaabida duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Melbourne ka soo degi jiray aysan dibu dhac ku keeni doonin warbxintii laga sugayay baaritaanka nidaamka karantiilka hoteelada oo la filayay inay warbixinta soo bandhigaan bilowga Nofember hadase dib loo dhigay 6 asbuuc.

Gudiga ayaa baaraya arintan ayaa la filayay inay natiijada baaritaanka soo bandigaan 6 Nofember laakiin taa badalkeeda waxay soo bandhigi doonaan warbixin hor dhac ah.

Warbxibta oo buuxda ayaa la daabici doonaa 21 December iyadoo gudigu sheegay inay u baahan yihiin inay eegaan macluumaad dheeraad ah oo soo gaaray.

Mr Andrews ayaa sheegay in warbixinta hor dhaca ah ay ku jiri doonaan talooyin ku aaddan nooca karantiilka hoteelada ee Victoria.

"Taas ayaa macneheedu yahay inaan gaari karno yoolkii aan ku heshiinay Golaha Qaranka oo ahaa in duulimaadyada la soo celiyo. In dadku ay qoysaskooda la midoobaan waqtiga ciida Christmiska. Taas ayaan ka shaqaynaynaa, waxna iskama badalin waqtigii soo bandhigida baaritaanka karantiilka hoteelada, markaan Jimcada soo socota talooyinkooda helnana faahfaahin dheeraad ah ayaan bixindoonaa," ayuu yiri Daneil Andrews.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand