Dadaalo lagu doonayo in laga mamnuuco sigaarka lagu cabo dibada baararka qamriga lagu cabo iyo in la yareeyo tirada dukaamada lagu gado sigaarka ayaa qayb ka ah qorshe ay 20 hayado caafimaad ku doonayaan inay isku dayaan in Victoria gabi ahaanba laga dhigo gobol sigaar cabida ka caagan.
Quit Victoria oo ah urur la dagaalama cabida sigaarka ayaa hogaaminya ololahan lagu doonayo in inka yar 5% shacabka reer Victoria ay maalinwalba cabaan sigaarka sanadka 2025.
Madaxa Quit Victoria Doctor Sarah White ayaa sheegtay in inka badan 700,000 oo reer Victorian ay hadda sigaarka cabaan loona baahan yahay in tiradaas la yareeyo.
Waxayna tiri:
[["Wali waxaa sigaar caba 730 kun oo reer Victoria ah. Waxaa nooga baxa 3.8 bilyan oo doolar sanad kasta. sigaarku waa kan ugu horeeya ee sababa dhimasho laga hortagi karo iyo xanuuno. Marka intaan diirada saari lahayn oo kaliya wadooyinka iyo danbiyada oo laftoodu muhiim ah, maynu maalgalino sidaan uga hortagi lahayn inay ku xanuunsadaan cabida sigaarka"))