SKIP TO MAIN CONTENT

Isbahaysiga Australia oo la filayo in ay xukuumad aqlabiyad ah soo dhisaan.

Isbahaysiga Xisbiga Liberalku hogaaminayo ee Australia oo la filayo in ay xukuumad aqlabiyad ah soo dhisaan, iyadoo la odorasayo in kuraasta wali la tirinayo in ay dhawr kursi ka heli doonaan.

Elections 2019 - Coalition Wins
Scott Morrison with wife Jenny and children after winning the 2019 Federal Election, in Sydney, Saturday, 18 May, 2019. (AAP Image/Dean Lewins) Source: AAP

1 min read

Published

By Mohamed A Madar



Skip to article content

Isbahaysiga Xisbiga Leberaalku hogaaminayo, ayaa u muuqda in uu heli doono aqlabiyada baarlamaanka, soona dhisi doono xukuumad, iyaga oo aan ooga baahanin xubnaha madaxa banaan ee baarlamaanka (aqalka hoose) wax caawina.

Dhanka Sydney, kursiga Wentworth, oo ay ku baratamayaan xubinka madaxa banaan xildhibaanad Kerryn Phelps, iyo murashaxa Liberalka Dave Sharma, ayaa u muuqda in ay guushu ku raacayso Xubinka u sharaxan Xisbiga Liberalka Dave Sharma, iyadoo la filayo  xildhibaanad Kerryn Phelps, oo baarlamaanka kusoo biirtay 2018,  in ay waqti dhaw garwaaqsan doont in lagaga guulaystay tartankii xubinimada Wentworth.

Qaar ka mida khubarada arimaha doorashooyinka ayaa waxa ay odorasayaan in ay dhici karto in isbahaysigu ay ku guulaysanayaan tira ka mida kuraasta wali la tirinayo codadkooda, iyadoo ay odorasayaan in ay dhici karto in isbahaysigu uu helo wax ka badan 76 kursi ee golaha shacabka (aqalka Hoose), ahna tirade ay u baahan yihiin si ay xukuumad aqlabiyada u soo dhisaan, iyagoo ay haatan haystaan 75 kursi, kaliyana ay ka dhimantahay hal kursi si ay usoo dhisaan xukuumad aqlabiyada.

 

 


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now