Isbahaysiga Xisbiga Leberaalku hogaaminayo, ayaa u muuqda in uu heli doono aqlabiyada baarlamaanka, soona dhisi doono xukuumad, iyaga oo aan ooga baahanin xubnaha madaxa banaan ee baarlamaanka (aqalka hoose) wax caawina.
Dhanka Sydney, kursiga Wentworth, oo ay ku baratamayaan xubinka madaxa banaan xildhibaanad Kerryn Phelps, iyo murashaxa Liberalka Dave Sharma, ayaa u muuqda in ay guushu ku raacayso Xubinka u sharaxan Xisbiga Liberalka Dave Sharma, iyadoo la filayo xildhibaanad Kerryn Phelps, oo baarlamaanka kusoo biirtay 2018, in ay waqti dhaw garwaaqsan doont in lagaga guulaystay tartankii xubinimada Wentworth.
Qaar ka mida khubarada arimaha doorashooyinka ayaa waxa ay odorasayaan in ay dhici karto in isbahaysigu ay ku guulaysanayaan tira ka mida kuraasta wali la tirinayo codadkooda, iyadoo ay odorasayaan in ay dhici karto in isbahaysigu uu helo wax ka badan 76 kursi ee golaha shacabka (aqalka Hoose), ahna tirade ay u baahan yihiin si ay xukuumad aqlabiyada u soo dhisaan, iyagoo ay haatan haystaan 75 kursi, kaliyana ay ka dhimantahay hal kursi si ay usoo dhisaan xukuumad aqlabiyada.