Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay mudo xileedkii labaada kadib markuu ka adkaaday Marine Le Pen oo ahayd tartame midigta fog.
Ms Le Pen, oo intii lagu jiray ololaha ka hoosaysay dhowr dhibcood Mr Macron marka la fiiriyo cod aruurinihii la sameeyay ayaa markiiba qiratay in laga guulaystay laakiin waxay wacad ku martay inay dagaalkeeda sii wadi doonto iyadoo ay soo dhow yihiin doorasahdii baarlamaanka oo la qabanayo bisha June.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayay markii labaad u tahay inuu si taabo gal ah uga adkaado Marine Le Pen sidaasna ku noqday hogaamiye mudo xileedka labaad.
Mr Macron ayaa la saadaalinayaa inuu marka tirinta codku dhamaato ku guulaysan doono 58% codadkii la qaaday.
Sacab ayay ku dhufteen taageerayaashu markii natiijadu ka soo muuqaatay TV wayn goobta Champ de Mars oo ku taal hoosta Eiffel tower oo ah astaanka lagu garto Paris iyo Farasiiskaba, halkaas oo ay taagerayaashu ruxayeen calammada Faransiiska iyo kan midowga Yurub.
"Waa mahadsan tihiin saaxibayaal, wadaniyiin, halkan Paris, meelkasoo dalka ah iyo dibadda, marka ugu horeeya waa mahadsan tihiin. Isbadal soo socday shan sano oo aan soo marnay waqti adag mid farxad leh qulqulado gaar ah, maanta oo bisha Abriil tahay 24 sanadka 2022, aqlabideenu waxaad doorateen inaaad igu aamintaan jamhuuriyada shanta sano ee soosocda."