Dawlada Ethiopia ayaa ku dhawaaqday in ay soo afjarayso xaaladii colaadeed ee ka dhexaysay iyada iyo Eritrea, taasoo bilaabatay kadib dagaalkii khadhaadhaa ee labada wadan ka dhaxqarxay sanadii 1998.
Dagaalkan oo dhacay kadib shan sano oo kaliya markii ay ku naalootay Eritrea xoriyadii ay ka qaadatay Ethiopia, isagoo labada wadan dhaxalsiiyay xaalada adag oo isugu jira mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.
kadib dagaal socday qiyaastii 2 sano, ayaa waxaa uu sababay geeri aad u badan oo ciidamada labada dhinac, iyo sidoo kale dadkii rayidka ahaa.
sandii 2000, ayay ahayd markii la gaadhay heshiis xabad joojina iyadoo isla sanadaa dabayaaqadeediina heshiis nabadeed labada wadan ay ku kala sixiixdeen wadanka Aljeeria (Aljaza'ir).
sanadii 2002, ayay sidoo kale loo kala jeexay xuduuda labada wadan, balse xaalada colaadeed ayaa iyagu ahaa kuwa dareenkoodu uu iska taagnaa.
Tan iyo intii uu xukunka bishii April Ra'iisulwasaare Abiy, uu qabsaday, isbadala badan ayuu ku talaabsaday, isagoo caleemasaarkiisii gacan nabad u fidiyay Eritrea, iyadooy xigtay in ay Isbahaysiga wadanka xukuma ee EPRDF, ay si rasmiya u qaateen soo afjarida xaalada colaadeed ee labada wadan, kana codsaday Eritrea, in ay si shardi la'aana codsigaas ku aqbalaan.
Talaabadan ayaa la'ogsoon yahay in ay tahay mid ka mida dadaala uu muujiyay Abiy Ahmed, Ra'iisulwasaaraha cusub ee Ethiopia, geedi socodkan oo soo dhawayn wayn ka helay bahda aduunka iyo Afrikaba, iyo si gaara shucuubta Ethiopia.
Balse su'aalah aan wali laga jawaabin ayaa waxa ay yihiin ma dhici karta in Janaraaladii mudo lasoo qabsaday ku haynta awooda wadanka xaalada ay ka midka ahaayeen "xaaladaha degdega ah" ee hada la qaaday, intee in la'eg ayay la qabsan doonaan dabaylaha isbadalka ee Abiy Ahmed, ee soo dhawaynta ka helay shucuubta Ethiopia.