Ra'iisulwasaaraha Ethiopia oo balanqaaday, biyaha Wabiga Nile ee Masar xissada uleedahay in uusan goynaynin.

Ra'iisulwasaaraha Ethiopia oo balanqaaday, biyaha Wabiga Nile ee Masar xissada uleedahay in uusan goynaynin.

From Left Abiy Ahmed, Ethiopian Primister & Abdilftah Sisi Egyptian President.

Source: Nile TV

Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa booqasha ku jooga wadanka Masar, isagoo kulan la qaatay Madaxweynaha wadanka Masar Abdilfataax Alsiisi.

Kulankan ayaa daba joogay,  dadaala socday oo wax looga qabnayay xaalada xidhiidh ee labada wadan oo sii xumaanayay,  sababa la xidhiidha  is fahanwaa siyaasadeed oo salka ku haysa biya-xidheenka weyn ee Ethiopia ay dhisanayso oo Masarna ay cabsi weyn ka qabto in uu saamayn ku yeesho xisadaha biyaha ee Masar ay ku leedahay wabiga Nile.

Shir jara’id oo labada masuuliin ay ku qaabteen  magaalada Qaahira, ayaa kaftan yar oo qosol weheliyo ay isku dhaafsadeen, iyadoo  Madaxweynaha Masar Abdilfataax Alsisi uu ku dhaariyay in ayna biyaha Masar dhaawacaynin, iyadoo kadibna uu Ra’iisulwasaarihii Ethiopia uu dhaartii – afka carabiga uu siisi ku akhriyayay –  kaga daba celiyay, ahaydna “ dheh wallahi in aanaan wax dhibaata ah ku samaynaynin biyaha Masar”.

Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, oo luqada Ethiopianka ku jeediyay hadalkiisii ayaa yidhi “Shacabkayga iyo xukuumadaydaba ma doonayno in aan dhibaatayno Masar, waxaanu rabnaan in aan iskaashi ka yeelano dhinac walba, ma aha kaliya biyaha, shacabka  Masarna waa in ay ogaadaan in aan tixgalin buuxda u hayno”.

Abiy, ayaa sidoo kale sheegay in ay ku balanqaadayaan fulinta xisada biyaha Webiga Nile,  isagoo sheegay in ay sii kordhin doonaan xisadaas, sheegayna in isaga iyo madaxweynaha wadanka Masar ay arintaas kasii wada shaqayn doonaan.

Waxaa jirtay arinta Biyaha Webiga Nile, in ay xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay labada wadan Masar iyo Ethiopia, iyadoo dhanka kalena Suudaan ay dhan ka ahayd siyaasada sii cakirmayay oo masar ay marwalba dhan ka ahayd – iyadoo dhanka Suudaan ay ka duwanayd xaalada Ethiopia, balse markii danbe siyaasada kale oo balaadhan ayaa Ethiopia iyo Suudaan ay ahaayeen isku dhan, Masarna ay ahayd dhinac, kulama badan oo la isku dayay in xaaladaha lagu soo afjarana aan wax badan ilaa iyo haatan ka soconin, balse ay u muuqataa Ra’iisulwasaaraha cusub ee Ethiopia, oo aragti furfuran wata, in ay ka go’antahay in wadankiisa uusan yeelanin cadaw, hadii uu horay u jirayna loo badalo saaxiib.


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand