Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa Khamiistii (15-02-2018 ) is casilay, isagoo iska casilay xilka Ra’iisulwasaaranimada iyo Gudoomiyanimada xisbiga haya talada wadanka Ethiopia ee EPRDF.
Sababaha oogu waawayn ee ilaa iyo haatan loo tiirin karo is casilaadaa ayaa waxaa ka mida, qalalaasooyinkii waqtiyadii danbe joogtada ka noqday gobolada Oromada iyo Amxaarada ee Ethiopia, halkaas oo ay banaanbaxyo shoobarooyin isu badalay ay ka dhaceen, dad badana ay ku dhamaadeen.
Waxaa kale oo iyaduna jirta in iska hor imaadyo hubaysnaa in ay dhexmareen labada shacab ee kala daga gobolka Soomaalida iyo gobalka Oromada ee Ethiopia, halkaas oo ay dad badani labada dhinacba kaga dhinteen, iyadoo xukuumada uu Desalegn hogaanka u yahay ay culays siyaasadeed ku ahayd dhacdadaas.
Sidoo kale waxaa iyaguna hoosta ka socotay - tan iyo waqtigii uu geeriyooday ra’iisulwasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zinawi - khilaafya marba heer marayay, oo u dhexeeyay madaxda sare ee xisbiga wadanka xukuma ( Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) oo sida wararka qaar ay sheegayaan garabyo kala ahaa.
Dhanka kale, waxaa kale oo iyadu aan la inkiri Karin , in wadanka Ethiopia oo qawmiyada ku salaysan, in ra’iisulwasaare Hailemariam Desalegn, uu kasoo jeedo qowmiyada Wolaita ee degta Koonfurta Ethiopia, oo aan ahayn qawmiyadaha safka hore ee ku hardama talada wadanka. Taas oo keeni karta is jiid-jiidadka khilaafyada madaxda in mararka qaar ay kaalin weyn ka ciyaarto aayaha siyaasiga kasoo jeeda Afrika, oo inta badan qabiilku uu saamayn weyn ku leeyahay siyaasada.
Hailemariam Desalegn, oo jagada Ra’iisulwasaarnimada qabtay 2012, kadib markii uu geeriyooday Ra’iisulwasaare Meles Zenawi, soona qabtay jagada Ra'iisuwasaare Kuxigeenimada iyo Wasiirka Arimaha Dibada xiligii Zenawi, ayaa isagu dhankiisa hadal uu jeediyay is casilaada kadib ku sheegay, in uu rabo in is casilaadiisu ay qayb ka noqoto xal u helida xaalada cakiran ee hada wadanka Ethiopia ka taagan. Isagoo intaas ku daray in isagu laf ahaantiisu uu qayb ka noqon doono geedi socdka isbadalka Ethiopia.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Desalegn, uu waqti hore dabayaaqadii sanadii na dhaaftay 2017 uu gudbiyay iscasilaadiisii, balse aqbalaada casilaadiisu ay waqtigan timid.
Culaysyadaas aan sheegnay iyo kuwa kale oo aan la ogayn ayaa la dhihi karaa qayb ayay ka ahaayeen in uu dareemo Desalegn, in xaalada haatan ka taagan Ethiopia in ay u baahantahay cid xambaarata masuuliyadeeda, kana jawaabta. Iscasilaadana ay sidaas ku noqon karto mid ka mida jawaabaha la bixiyo, marka xalkasta oo suura gala uu shaqayn waayo.