Magaalada Muqdisho ayaa maalintii Axada 25/03/2018, waxaa ka dhacay qarax is miidaamina oo khasaara dhaawac iyo dhimashaba keenay.
Dadka ku dhintay qaraxa – oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho – ayaa la sheegayaa in ay ilaa iyo haatan gaarayaan shan qof, iyadoo la sheegay in dadka dhintay uu ku jiro qofkii is miidaamiyay.
Wararka ayaa xaqiijinaya in uu dadka dhintay ku jiro, askari isagu baabuurta baadhayay, iyadoo baaburka qarax sameeyay uu ku jiray baabuurta askarigu uu istaajiyay si loo baadho, kadibna uu halkaas ku qarxay.
Qaraxan ayaa yimid, iyadoo mudo todobaada laga joogu uu ka dhacay qarax Hoteelka Weheliye ee magaalada Muqdisho, isagoo ay ku dhinteen dad gaadhaya 17 qof.
Qaraxyadan isku xiga ayaa imaanaya xili madaxda iyo golayaasha dawladuba ay ku mashquulsan yihiin muranka iyo isu xulufaysiga mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Cismaan Jawaari.