Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Faah faahinta weerarkii Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Hotel Afrik

A general view at the scene of a bomb explosion at the Afrik Hotel in Mogadishu, Somalia, 31 January 2021. Source: AAP Image/EPA/SAID YUSUF WARSAME

Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar lagu qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Booliska Dawlada oo bayaan la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in koox hubaysan ay gudaha u gashay hoteelka, halkaas oo ay mudo ku dhex dagaalamyeen.

Booliska ayaa sheegay in ugu danbayntii la soo afjaray weerarka.

"Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa," ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in hoteelka laga soo badbaadiyay dad badan oo hoteelka ku jiray markii weerarku dhacay.

 

Waxaa la xaqiijiyay in dadka weerarkaas ku dhintay uu ka mid ah Jeneral Maxamed Nur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dawladdii Soomaaliya.

 

Weeraka ayaa ku bilowday qarax xoog badan oo ka dhacay albaabka hore ee hoteelka, kadibna dablay hubaysan ay gudaha u galeen hoteelka.

Dadka laga soo badbaadiyay weerarka ayaa sida laga soo xigtay afhayeenka booliska Ismaaciil Mukhtar waxaa ka mid ahaa jeneral Yusuf Indhacade.

Wali ma jiro war rasmi ah oo sheegaya tirada saxda ah ee weerarka ku dhimatay

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.


2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now