Warqad been abuur ah oo cunsuriyad ayaa lagu qoray in gole deegaan uu soo rogayo shareecada islamka.
Golaha deegaanka Dandenong ayaa canbaareeyay warqadan been abuurka ah oo loo diray dadka degan xaafadaha hoos yimaada.
Warqadan cunsuriyada ah oo lagu qaybiyay xaafadaha koofur barri Melbourne ayaa lagu sheegay in golaha deegaanku soo rogayo qaybo ka mid ah shareecada islamka.
Warqadan oo loo ekaysiiyay inay ka timid golaha deegaanka Dandenong ayaa si been ah u sheegaysa in golaha deegaanku soo rogayo sharuuc waafaqsan diinta islamka bisha Abriil.
Warqada ayaa waxaa ku qoran:
"Dadka xaafadaha degan waxaa lala socodsiinayaa in barnaamujkeena xoojinta wadanoolaanshaha 2030 uu dhawaan dhaqan galidoono lana ciqaabi doono cidii fulinwayda" ayuu lagu qoray waraaqda.
Sharuucdan been abuurka ah ayaa sida warqada lagu qoray waxaa ka mid ah in la mamnuucayo qamriga, hilibka doofaarka iyo in la xakamaynayo sida haweenku u labistaan.
"In dadku isku dhunkadaan ama wax jacayl isu muujiyaan iyagoo dibada jooga gaar ahaa haddii dadkaasi yihiin dadka isku jinsigaa ee isu galmooda lama ogola" ayaa lagu qoray warqada.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in sharuucdan been abuurka lasoo dejiyay markii lagala tashaday gudiga qaran ee shareecada islamka iyo golaha midowga muslimiinta ee Victoria. Labadan urur ayaan labudaba jirin
John Bennie oo ah madaxa golaha deegaanka ayaa canbaareeyay warqadan been abuurka ah isagoo sheegay inuusan golaha deegaanku shaqo ku lahayn kanasoo bixin iyaga.
"Sina uma ah wax aan aamin sanahay ama qayimkeena ah" ayuu u sheegay SBS News.

Source: Facebook
Golaha deegaanka ayaa iyagoo isticmaalaya Facebook uga digay dadka degan xaafadahaas in warqada ay tahay been abuur ayna baarayaan cida ka danbaysa.