Fal argagixiso oo ka dhacay Brighton, Melbourne oo wiil Soomaliya ku dhashay lagu dilay kadib markuu dilay nin, 3 boolis ahna dhaawacay.

A Dec. 23, 2010 file photo of Yacqub Khayre, the gunman at the centre of Monday night's Melbourne hostage attack

A Dec. 23, 2010 file photo of Yacqub Khayre, the gunman at the centre of Monday night's Melbourne hostage attack Source: AAP

Booliska Victoria ayaa wali baaraya dhacdo ka dhacday xalay xaafada Brighton ee Melbourne. Arintan ayaa bilaabatay shalay galab abaaraha 4:30 markii booliska la wacay lana sheegay inay qof haween ah afduub loo haysto. Markii boolisku goobta tageen waxay heleen nin dhintay oo sida la sheegay uu dilay ninka haweenta qafaashay.

Booliska iyo ninka ayaa mudo dhowr saacadood ah isku horfadhiyay dhismo Apartement ah iyagoo markii dambe xabado is dhaafsaday halkaasna sadex booliska ka mid ah lagu dhaawacay.

Booliska ayaa saacado kadib markii dhacdadan bilaabatay sheegay inay tahay mid argagixiso la xariirta.

Intii arintan socotay ayaa Chanell 7 uu sheegay inuu nin soo wacay oo ku yiri "arintan waxaan u samaynayaa IS iyo Alqaacida" waxaa sidoo kale Channel 7 sheegay in intii ay ninka la hadlayeen ay maqleen haween ka ag qaylinaysay meesha.

Kooxda IS sheegay masuuliyada falkan.

7 Fiidnimo ayaa lasoo afjaray iyadoo ninkii masuulka ka ahaa dhacdadan boolisku ay toogteen waxayna boolisku shaaciyeen inuu ah Yacqub Khayre oo Soomaaliya ku dhashay booliskuna ayaa aad u yaqaaneen.

Yacqub Khayre ayaa ka mid ahaa dhalinyaro 2009 lagu eedeeyay oo maxkad lagu saaray danbiyo argagixiso la xariira laakiin maxkamada ayaa wax danbi ah ku wayday.

Waxay boolisku sheegeen inuu danbiyo kale galay wixii ka danbeeyay haddana uu banaanka ku joogay damaanad {Parole}

Dhacdadan ayaa waxaa ka hadlay booliska Victoria iyo dawladaha Victoria iyo Federalka iyadoo wali ay socdaan baaritaano kala duwan oo dhacdadan.

Wixii kasoo kordha kala soco SBS Somali

 


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand