Talaabooyin laga qaaday Day Caro tuugo ah ayaa waxaa canshuur bixiyayaasha Australia looga baajiyay ku dhawaad 1 billion oo doolar mudo 6 bilood ah.
Dawlada federalka ayaa bilaabaysa inay talaabo ka qaado 151 qof oo waraaqo been abuur ah saxiixay, beena ka sheegay saacadaha ay caruuta hayeen, lacagona ku qaatay caruur aan jirin.
Wasiirka waxbarashada Simon Birmingham ayaa ABC u sheegay in nidaamkan uu u ogolaanayo dawladu inay xaqiijiso in lacagaha canshuur bixiyayaasha loo isticmaalo adeegyo sharci ah.
Wasiirka ayaa yiri
[["Waxaa lacago lagu dalbaday caruur aan jirin ama caruur aan la'haynin. waa dad dhacay canshuur bixiyayaasha.. Hadda waxaan ka qaadany talaabo 20 meeyo qof oo aan maxkamada gaynay.. Marka guud ahaan nidaamka xanaanaynta caruurta boosas ayaa ka banaan laakiin waxaan maqlaa waalidiin leh dhib ayaa naga haysata inaan caruurta boos u helno... waana sababtaas taan u samaynayno nidaam cadaalad oo kii hore ka fiican.))