Adam Bandt oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Greenka lagana soo doorto Melbourne ayaa baarlamaanka dhexdiisa kusoo qaaday abaaraha ka jira Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa u sheegay baarlamaanka in Soomaaliya ay wajahayso xaalad binaadanimo ee degdeg ah taasoo ka dhalatay abaar dabadheeraatay.
Adam Bandt ayaa hadalkiisii waxaa ka mid ah " Roobkii oo aan di'in sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxuu sababay in dalag uusan soo go'in xoolihiina dhintaan, dalkana waxaa ka jira macaluul iyo nafaqo daro baahsan.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in cuduro, cunto yari iyo biyo la'aan ay ka jiraan goobaha abaartu aad ka saamaysay isagoo soo xigtay Qaramada Midoobay oo sheegtay buu yiri in haddi aan gargaar degdeg ah la gaarsiin asbuucyada soosocda inay dhici kartu in dadku u dhintaan macaluul.
Xildhibaan Adam bandt ayaa u sheegay in baarlamaanka in xubno ka tirsan jaaliyada Puntland in Somaliland iyo Puntland ku dhawaad 385 kun oo qof at wajahayaan cunto yari.
Adam Bandt ayaa u sheegay baarlamaanka in Australia ay waajib ku tahay inay ka jawaabto masiibadan isagoo sidoo kale roob la'aanta la xariiriyay isbadalka cimilada.
Xildhibaanka ayaa sheegay in saynis yahanadu sheegeen in isbadalka cimilada macneheedu yahay in xiliayadii roobka isbadal ku yimaado.
Saynis yahanada ayaa sheegay in tirakoobka la hayo muujinayso in roobkii ka di'i jiray gobolada qaar uu yaraaday iyadoo beeralay badani ku tiirsanayd sidaas darteed dadkaas ay u nugul yihiin cunto yaraan.
Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday in dad 100 gaarayaa ay u dhinteen gaajo.