Fatahaadii gobalka NSW oo kasoo raynaya

Gobalka NSW fatahaadihii daraa ee ka jiray ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo rayneyso, kadib markii roobabkii mahiigaanka ahaa istaageen.

A supplied image obtained on Thursday, July 7, 2022, of flooding seen around the Windsor and McGraths Hill area, NSW. (AAP Image/Supplied by NSW SES) NO ARCHIVING, EDITORIAL USE ONLY

A supplied image obtained on Thursday, July 7, 2022, of flooding seen around the Windsor and McGraths Hill area, NSW. Source: NSW STATE EMERGENCY SERVICE

Dadweynihii gobalka New South Wales ee Australia ku dhibaateysnaa fatahaadaha, ayaa dhinacyada qaar hada u muuqday in ay nafis heleen, kadib markii roobabkii mahiigaanka ahaa ay yaraadeen, daadadkiina meelaha qaar ay dib u noqdeen.

Dhinacyada nafiska dareemey ayaa ka mida magaalada Sydney iyo Central Coast.

Balse sida ay masuuliintu sheegayaan, khataraha daadadku waxey ku hadheen dad tobanaan kuna  oo ku nool dhinacyada Dooxada Hunter iyo badhtamaha-Xeebta Waqooyi.

Xalaynimadii Arbacada ayaa kontan hawlgal badbaado laga fuliyey goobaha fatahaadaha.

Wasiirka Adeega Tamarta Stegh Cooke ayaa dadka ugu yeedhay in ay feejignaadaan waqtiga ay kusoo laabanayaan guryahooda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa ku dhawaaqay in bulshada ku waxyeeloowdey fatahaadaha la siini doono lacag gargaar soo kabasha ah oo 1,000 dadka waaweyn halka caruurtana 400 lasiini.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale balan qaaday in xukuumadiisu ay talaaba horumar leh ka qaadi doonto dhanka isbadalka cimilada, isagoo sheegay in hadii aan heer caalamiya wax laga qabanin in cimilada isbadaladan daran iyo fatahaadahani ay kasii dari doonaan.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand