Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Faysal cali waraabe oo difaacay heshiiska Somaliland iyo Imaaraatka

UAE and Somaliland sign a deal allowing UAE to build a military base in Berbera Port

UCID Part leader in Somaliland
Source: VOA Imail Farjar

 Somaliland ayaa sida lagusoo waramayo heshiis la saxiixatay Imaaraadka carabta maalintii Axada heshiiskaas oo u ogolaanaya inay saldhig milatari ka dhigato dekada Berbera.

Talaabadan ayaa imanaysa iyadoo baarlamaanka Soomaaliland uu dhawaan ansaxiyay heshiiskan dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe oo ka mid ahaa saraakiisha wax ka saxiixday heshiiskan ayaa sheegay in heshiiskan Somaliland faaiiido dhaqaale ugu jirto, shaqooyina u abuuridoonto dhalinyarada reer Somaliland.

Faysal ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan oo ah kii u horeeyay ee Somaliland ay dal la saxiixato ay soo dedejinayo ictiraafka Somaliland ay waqtiga dheer raadinaysay.

Isagoo u waramayay Laanta Afsoomaliga ee Idaacada VOA ayuu ku eedeeyay dadka kasoo horjeeda heshiiskan inay yihiin kuwo kasoo horjeeda jiritaanka Somaliland.

Mar la waydiiyay dadweynaha iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda go'aankan ayuu ku jawaabay " Waa arin siyaasadi ka danbayso waxna aan yeelidoonin heshiiskan dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka"

Waxaa hore si cad uga horyimid heshiiskan xisbiga mucaaradka ee Waddani oo uu hogaamiyo Abdirahman Mohamed Cirro.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu yahay heshiis taariiqi ah oo dawlada talada haysa soo hoyisay isagoo intaa ku daray in Imaaradku aysan dano qarsoon wadam ayna Somaliland ka difaacayaan cadowgii soo weerara.

Heshiiskan 25 sano ah ayaa u ogolaanaya Imaraadka carabta inay saldhigeedii milatari ee u horeeyay ay ka dhisato Africa.

 


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now