Xulka Qaranka ee Dumarka Wadanka Spain, ayaa ku guuleysta koobka kubada Cagta aduunka ee Dumarka, iyagoo kaga reeyey fiidnamiid Axada, Xulka Qaranka Dumarka England 1-0 .
Ciyaartan ay Xulka Spain koobka ku qaadeen ayaa waxa ay ka dhacday garoonka ‘Stadium Australia’ ee magaalada Sydney, Austrlai, iyadoo ay daawanayeen dad gaadhaya 75,700 .
Kabtanka Xulka Spain Oliga Carmona ayaa dhalisay goolka guusha daqiiqadii 29 aad ee galinkii hore ee ciyaarta, tanoo siisay Spain iney ciyaarta hogaanka u hyaan ilaa seedhiga dhamaadka laga yeedhiyo.
Xulka Qaranka Spain ayaa helay gool ku laad, balse waxaa ka qabatay boortihii England.
Ciyaarta oo 13 daqiiqa oo dheeriya lagu daray, ayaa gabagabadii waxaa lagu soo afjaray guusha FIFA Women’s World Cup 2023 in ay la hoydeen Xulka Qaranka Dumarka Spain .