FIFA World Cup update

FIFA World Cup 2018

Source: AAP

Cayaaraha aduunka ee ka socda dalka Ruushka ayaa jabtar cusub galay..

Markii u horeysay mudo 32 sano ah ayay labo cayaarood maalin gudeheed kusoo dhamaadeen rigoorayaal.

Iyadoo mid ka mid ah cayaaraha natiijadii la filyay ay kasoo baxday balse tan kale lama filaan ay ahayd.

Ruushka ayaa usii gudbay 8 u danbaysa tartankan taasoo aad uga farxisay dalkan martida loo yahay iyo shacabkoodaba.

Kadib markii 90 daqiiqo ku dhamaaday gool iyo gool waxaa lagu daray extra time taasoo aan wax gool layska dhalin waxayna noqotay in rigooro la dhigo waxaana ku guulaystay Ruushka kadib markii boortayeerigu gool ka badbaadiyay kooxda Spain.

Halkaasna waxaa boorsooyinka ku xirxirtay Spain.

Dhanka kalana Denmark iyo Croatia ayaa fooda isdaray waxayna cayaartu ku bilaabatay dardar iyo xawli.

Spain ayaa raacday dalal dhowr ah oo magac wayn ku lahaa kubada cagta oo laga badiyay.

90 daqiiqo kadibna waxay cayaartii ku dhamaatay 1 iyo 1 gool.

Croatia ayaa u muuqatay inay waqtigii lagu daray kadib markii cayaartoy Denmark uu shaatiga ka jiiday cayaartow Croatian ah iyagoo ku jira qadka rigoorada.

Rigooradii loo dhigayse kabtanka Croatia kuma guulaysan inuu gool u badalo.

Rigoorooyin ayay nooqotay in sidii cayaartii hore loo dhigo iyadoo labada goolhaye ayaa badbaadiyeen goolala badan Denamrk labo halka Croatia uu ka badbaadiyay 3 gool taasoo ahayd mid aan waqti dheer dhicin in goolhaye qabto 3 kubadood xili rigooro.

Sidaasna waxaa ku gudbay Croatia waxayna ku aaddan tahay Ruushka Koortar Finalka.

Caawana waxaa idku aaddan Brazil iyo Mexico iyo Belguim iyo Japan.


Share

Published

By Hassan Jama

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
FIFA World Cup update | SBS Somali