Waxaa soo gabagaboobaya isreebreebkii wareega hore ee kooxaha iyadoo ay soo kala cadaanayso kooxaha u gudbaya 16.
Group A waxaa banaanka yaal oo 16 u gudbay Uruguay iyo Ruushka.

Group B waxaa soo baxay Spain iyo Portugal

Group C Fransiiska ayaa soo baxay booska labaadna waxaa isku haysta Australia iyo Denmark

Group D waxaa banaanka yaal Croatia

Group E Brazil iyo Switzerland ayaa hogaaminaya laakiin Serbia ayaa ku haysata 2 u danbeeya ee soo baxaya.

Group F Mexico ayaa soo baxday booska labaad waxaa isku haysta Germany iyo Sweden

Group G waxaa soo baxay oo banaanka yaal England iyo Belgium.

Group H Waxaa 4 dhibcood ku hogaaminaya Japan iyo Senagal waxaase ku haysta Colombia oo 3 leh

