Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Fire situations across the country

Victorian Firefighters and Police
A bill to create the volunteer-only Fire Rescue Victoria is before the upper house for debate. (AAP) Source: AAP

Dabdamiyayaasha gobolka Victoria ayaa sheegay inay filayaan in xaalada kulaylku kasii darayso iyagoo la tacaalaya dab ka holcaya East Gippsland.

Todobo xaalado degdega ayaa lagu dhawaaqay iyadoo hay'ada dabdamisku sheegtay in dhul gaaraya 200 kun oo Hectares dabku saameeyay.

Iyadoo la mid ah xaalada ka jirta qaybaha kale ee bariga Australia, Victoria ayaa la tacaalaysa kulayl aad u ba'an oo 40 degree kor u dhaafay.

Madaxa hay'ada dabdamiska miyiga Victoria Ben Rankin ayaa sheegay in la saadaalinayo waxooga qabow ah oo la rajaynayo inay caawiso.

Dhanka kalana shaqaalaha dabdamsiyada mutawaciinta ah oo la dagaalamaya dababka NSW ayaa kumanaan Doollar oo magdhow maadaama ay naftooda qatar u galiyeen si ay u badbaadiyaan guryaha nafaha shacabka.

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay taageradan maaliyadeed maalintii Sabtida ahayd.

Dawlada federalka ayaa u qoondaysay 50 Malayn oo doolar in lagu maalgaliyo sanduuqa magdhowga shaqaalaha.

 


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now