Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Dabkii oo wali kasii holcaya Queensland & NSW.

Dabkii oo wali kasii holcaya Queensland & NSW.

A fire buring in Illinbah, Queensland on 6 September 2019.
A fire buring in Illinbah, Queensland on 6 September 2019. Source: AAP

Maalma ayuu socdaa dabka sida baaxad weyn ku socda, kana hulaaqaya labada gobal ee Queenslad iyo New South Wales.

Waaxda dab-damiska ayaa si adag oola tacaalaya daminta dababka ka holcaya Queensland iyo New South Wales.

Dhanka Queensland ayaa ilaa iyo haatan inta la ogyahay ay ku gubteen 17 guri, halka gurya gaadhaya 67 uu dabkaasi khasaare gaadhsiiyay.

Gobalka Queensland - oo dabku u badanyahay -  ayaa la sheegayaa in wax gaadhaya 80 goobood  uu dab ka holcayo.

Dhanka Gobalka New South Wales ayaa dabka oogu daran haatan uu ka holcayaa goobta Shark Greek ee Clarence Valley ku taala  koonfurta Yamba. Dabkan ayaa lagu soo waramayaa in dagaano badan uu khatar ku hayo.

Dhankiisa Ra’iisul-wassare Scott Morrison, ayaa ooga mahad celiyay dadaalka ay dhiibayaan ciidamada dab-damiska, isagoo sidoo kale u mahad celiyay cid kasta oo dadaal ka gaysanaysa daminta dabkaas.

Wararka soo baxaya ayaa xaqiijinaya in dadaalada baaxada leh ee lagu wajahayo dababkaas ay suurta galiyeen in lagu badbaadiyo guryo badan oo dababkaasi ay ku wajahnaayeen, khatarna ku hayeen.

 


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now