Mehreen Faruqi oo noqontay Senatoradii ugu horeysay oo haween ay Muslim ah ayaa dhaliishay Fraser Anning oo qudbad ka jeediyay baarlamaanka ku baaqay in laga mamnuuco Australia inay Muslimiintu soo galaan, Waxayn Ms Faruqi ku tilmaantay nin nacayb ka ganacsanaya iyadoo kala mid dhigtay hadalkiisa candhuuf lagu tufay guusha laga gaaray dhaqamada kala duwan ee dalka.
Faruqi ayaa noqonaysa Senatorad Greenka ka tirsan oo kasoo gashay gobolka NSW, waxayna xilkaas bilaabaysaa galabta markii ay hal fadhi yeeshaan labada aqal ee baarlamaanku iyadoo buuxinaysa booskii ay banaysay Lee Rhiannon.
Waqtiga ay kusoo aaday qabashada xilkan ayaa ah iyadoo Senator Anning uu qudbo uu jeediyay ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco inay dalka soo galaan.
Faruqi ayaa u sheegtay joornaalka Guardian Australia in qudbadii Senator anning ay gaf iyo abaal kadhac ku tahay malaayiin Australian dad wanaagsan ah isagoo isku dayaya inuu magac ku helo uuna dib usoo celiyo siyaasadii cunsuriyada ku dhisnayd oo waqti hore lagasoo gudbay.
Mehreen Faruqi ayaa kasoo jeeda dalka Pakistan waxayna Australia timid 1992 waxayna hore u gashay baarlamaanka gobolka NSW sanadkii 2013, waxayna shahaadada PhD ku haysataa cilmiga injineeriyada.
Ed Husic ayaa hore u noqday xildhibaankii u horeeyay oo Muslim ah oo baarlamaanka Australia gala 2010 isagoo lagasoo doortay galbeedka Sydney.