Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

First Muslim Women elected to US Congress

Ilhan Omar and Rashida Tlaib
Ilhan Omar and Rashida Tlaib are set to become the first Muslim women elected to the US Congress Source: AP

Rashida Tlaib oo Palestinian-American ah iyo Ilhan Omar oo Somali-American ah ayaa noqday haweenkii ugu  horeeyay oo muslimiin ah oo loo doorto baarlamaanka Maraykanka.

Tlaib ayaa ku guulaysatay kursiga 13 aad ee gobolka Michigan halka Ilhan ay ku guulaysatay kursiga 5aad ee Minnesota oo hore uu u haystay Kieth Ellison oo laftiisu muslim ahaa hadan u tartamaya inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota.

Yay yihiin Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar?

Tlaib, waa 42 jir ay dhaleen soogalooti u dhashay Falastiin, waxayna ku dhalatay magaalada Detriot.

Waxay taariiq dhigtay markay ku guulaysatay kursi baarlamaanka gobolka michigan 2008 sidaasna ay ku noqotay muslimadii u horaysay oo baaralamaan gobol oo Maraykankan ah gasha.

Ilhan Omar waxay Maraykanka timid iyadoo 14 jir ah kadib marakya kasoo qaxday dagaaladii sokeeyee ee Soomaaliya.

MUslim Nacaybka

DoorashadaLabadan haween  ayaa imanaya iyadoo uu jiro dareen badan oo Muslim nacayb ah oo ka jira  Maraykanka.

Xigasho: Aljazeera 


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now