Five sentenced to death for killing Khashoggi

Dunidu ma ku qancaysaa shanta qof ee dilka lagu xukumay?

Prominent Saudi journalist Jamal Khashoggi.

Prominent Saudi journalist Jamal Khashoggi. Source: Anadolu

Maxkamad ku taal Sacuudi Carabiya ayaa dil ku xukuntay 5 qof oo loo haystay inay ku lug lahaayeen dilkii suxufi Jamal Khashoggi oo wax ku qori jiray joornaalka caanka ah ee Washington Post, dhaliilina jiray boqortooyada Sacuudiga.

Jamal Khashogii ayaa lagu dhexdilay qunsuliyada Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul sanadkii lasoo dhaafay.

War laga siidaayay T_V dawlada Sacuudigu leedahay ayaa lagu sheegay in sidoo kale sadex qof xabsiyo lagu xukumay.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa dunidu ku canbaaraysay dilka maadaama dhowr qof oo dilka ku lug lahaa ay si toos ugu shaqaynayeen dhaxal sugaha laftiisa.

Boqortooyada ayaa dafirtay in dhaxal suguhu ku lug lahaa ama uu wax ka ogaa howlgalka lagu dilay Khashoggi.

Isagoo ka jawaabaya xukunka 5ta qof ayuu afhayeen u hadlay QM Stephane Dujarric sheegay in dibueegid madaxbanaan oo lagu sameeyo baaritaankii ay lagama maarmaan tahay.

“Xogahayaha guud wuxuu hoosta ka xariiqayaa in loo baahan yahay baaritaan madaxbanaan oo dhexdhexaad ah oo lagu sameeyo dilkii Khashoggi si loo xaqiijiyo in la ogaado lagalana xisaabtamo tacadiyadii xaquuqul binaadan ee kayskan lagu galay. Xogahayaha Guud wuxuu sidoo kale ku celinayaa in QM ay ka go'an tahay ilaalinta xoriyatul qowlka iyo difaacida suxufiyiinta iyo sidoo kale inaan waligayo kasoo horjeednay ciqaabta dilka in dadka lagu fuliyo" ayuu yiri  Dujarric.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand