Mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee gada tigidhada dayuuradaha iyo safradaha ayaa sii wadaysa inay gado tigidhada diyaarada Royal Brunei Airlines iyadoo shirkadu sheegtay in shacabka Brunei ay taabanayso haddii, la mamnuuco in la gado diyaarada tigidhadeeda.
Dawlada Brunei ayaa aad loogu dhaliilay sharuuc adag oo ay soo rogtay oo ay ku jiraan in dil lagu xukumo dadka sinaysta iyo dadka isku jinsigaa ee isugalmooda.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuqda iyo dadka caan ah ayaa ku baaqay in la qaadaco hoteelada ay leedahay dawlada Brunei iyo diyaarada qaranka Royal Brunei Airlines.
Diyaaradan ayaa hadda maalin walba ka duusha Melbourne.
Shirkada Flight Centre Travel Group ayaa sheegtay inay kasoo horjeeda sharciga dawlada Brunei soo rogtay ayna cabashadooda u gudbindoonto dawladaas.
Flight Centre ayaa intaa ku dartay in dadka kansalaya tigidhka diyaaraas inaan la qaaday qarashka caadiyan laga qaado dadku markay tigidhka kansalaan oo ah 3 boqol oo doolar marka tigidhku yahay mid dalka dibadiisa loo goostay.
Laakiin Flight Centre ayaa intaa ku dartay in shirkada Royal Brunei Airlines aysan iyadu cafinayn 150 doolar oo ay ka qaadato cidii kansasha tigidhkooda.