Former Minneapolis police officer Mohammed Noor has been found guilty of murder of Australian women

Mohamed Noor, the former Minneapolis police officer who is charged in the killing of Justine Damond Ruszczyk.

Mohamed Noor, the former Minneapolis police officer who is charged in the killing of Justine Damond Ruszczyk. Source: AP

Mohamed Noor oo ahaa askari boolis ah oo ka tirsanaa booliska Minneapolis ayaa lagu helay dilkii haweenay Australian ah Justin Damond Ruszczyk.

Noor ayaa markiiba la jeebeeyay oo xabsiga loo gudbiyay waxaana lagu dhawaaqi doona inta la xirirdoono bisha June 7 deeda.

Wuxuuna wajahayaa ilaa 25 sano oo xarig ah.

Qareenka u difaacayay Noor ayaa ku dooday inuu Ms Damond u toogtay si uu u difaaco askariga la shaqaynaya maadama ay ka cabsi qabeen weerar gaadmo ah iyagoo goobta u tagay markii isla Ms Damond ay wacday booliska iyadoo ka shakiday in meel aan iyada ka fogayn haween lagu kufsanayay.

Dacwad oogaha ayaase ku dooday in toogashada aysan hayn mid sabab loo hayo ayna lidi ku tahay tabbarada la siiyo booliska.

John Damond oo ah ninka ay u doonanayd Ms Damond Ruszczyk ayaa sheegay inuu rajaynayo in dhacdadan wax laga barandoono.

[["Ku dhawaad labo sano ka hor ayaa saaxiibtay la dilay iyadoo qabta dharka lagu seexdo joogtana aqalkeeda dibadiisa. Waxaa la dilay digniin la'aan iyadoo kusii socota gaariga booliska oo iyadu wacday. Astaanta Booliska Minneapolis oo ku qoran gawaaridooda waa: Waxaa ku difaacnaa geesinimo, waxaana ku shaqaynaa naxariis" Waxaana ka codsanaya duqa magaalada Minneapolis Jacob Fry inuu xaqiijiyo in qayimkaas aysan noqon oo kaliya kalmado isaga qoran albaabada gawaarida booliska.")) Ayuu yiri Mr Damond

Waa markii u horeeyay oo askari booliska Minneapolis ka rirsan lagu helo danbi ah inuu toogtay qof isagoo shaqada ku jira.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Former Minneapolis police officer Mohammed Noor has been found guilty of murder of Australian women | SBS Somali