Raiisul wasaarihii hore Malcolm Turnbull ayaa ninkii xilka kala wareegay Scott Morrison ku qalqaalinaya in arinta Peter Dutton loo gudbiyo maxkamada sare si ay go’aan uga gaarto inuu xaq u leeyahay inuu baarlaamaanka kusii jiro iyo in kale.
Xaq u yeelashada Mr Dutton inuu baarlamaanka kusii jiro ayaa suaal la galiyay maadaama uu wax ku leeyahay xarumo caruurta lagu hayo oo dawlada federalka ah lacago ka qaataa.
Mr Turnbull, oo fasax ku jooga Maraykanka kadib markuu iska casilay baarlamaanka ayaa bartiisa twitherka ku qoray “ si shakigu u baxo waa in Mr Dutton loo diro maxkamada sare”
RW Scott Morrison ayaan waxba kazoo qaadin hadalka ah in wasiirka arimaha gudaha loo diro maxkamada sare si ay go’aan uga gaarto inuu xaq u leeyahay inuu sii fadhiyo baarlamaanka federalka.
Xaq u yeelashada Mr Dutton ayaa ka dhalatay qodobka 44 aad ee dastuurka oo suaal galinaya maadaama uu wax ku leeyahay xarumo caruurta lagu hayo oo dawlada deeqo ka qaata.
Mr Morrison ayaa sheegay inuu ixtiraam u hayo Mr Turnbull laakiin uusan aaminsanayan in kayska Mr Dutton loo diro maxkamada sare.
Mucaaradka ayaa ku eedaynaya dawlada federalka labo wajiilenimo marka la eego sida ay ula dhaqmayso wasiirka arimaha gudaha.