Theresa May oo culaysyo cusub lagu saarayo si ay isu casisho.

Theresa May oo culaysyo cusub lagu saarayo si ay isu casisho.

Prime Minister Theresa May making a statement in the House of Commons, London.

Source: AAP

Theresa May, ra’iisulwasaaraha dalka Britain, ayaa kadib markii ay ka badbaaday codka calsoonida  ee sii hogaaminta xisbigeeda loo qaaday , ayaa hadana waxaa wali soconaya siyaasiyiinta culayska ku saaraya in ay is casisho.

Ms May , codayn si qarsoodiya u dhacday waxa ay heshay 200 oo cod halka 117 cod ay kasoo horjeedsadeen, dhanka kasloonida sii hogaaminta xisbiga, .

Xubinka ka tirsan baarlamaanka Britain Jacob Rees-Mogg, - kana mid ahaa xubnihii u ololeeyay in ay Britain ay ka baxdo Bahda Reer Yurub - ayaa isagu ku tilmaamay in guusha codaynta ee ay heshay May, in ay tahay mid laga xumaado, isagoo sheegay in ay tahay in May ay u tagto boqorada dalka halkaasna isku casisho.

Jacob oo oogu cadcad xubnaha kasoo horjeeda siyaasada May, ayaa sheegay in Therese May ayna awoodin in ay socodsiiso go’aamadeeda, taas markay timaadana waxaa loo baahanyahay in ay u banayso goobta qof socodsiin kara siyaasadiisa.

Tan iyo laga soo bilaabo aftidii Britain laga qaaday ee ka bixida bahda reer Yurub, culaysyo siyaasadeed ayaa soo food saaray ra’iisulwasaarada Therese May, iyadoo haatan ay marayso meel aad xasaasi u ah, oo aan la odorasi karin inay  ku filantahay codadka kalsoonida ah ee ay ku guulaysatay dhanka sii hogaaminta xisbigeeda, in ay ooga dhgnaan doonto mid so afjarta culaysyadii saaraa, iyo in ay noqon doonto, inay ku qasbanaato in ay go’aan ka qaadato mustaqbalkeeda siyaasadeed.


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand