Gabdhaha muslimiinta ah ee niqaaban, oo laga mamnuucay hoolka maxkamada sare ee Victoria.

Gabdhaha muslimiinta ah ee niqaaban, oo laga mamnuucay hoolka maxkamada sare ee Victoria.

a lady wearing niqab

a lady wearing niqab Source: EPA

Qaadiga Maxkamada Sare ee Victoria Christopher Beal, ayaa ka mamnuucay dumarka muslimiinta, ee qaba niqaabka, in ay soo galaan qolka maxkamadayntu ka socoto, ee Maxkamada Sare. .

Tan ayaa ka dhigan in gabadha muslimada ah ee indo-shareerka  xidhan, in ayna soo gali karin hoolka maxkamadayntu ay ka socoto, xitaa hadii ay maxkamadu khusayso shaqasi ahaan.

Maxkamada Sare ee Victoria Website-keeda ayaa lagu cadeeyay in dhamaan dadka galaya qolka maxkamadaynta in looga baahanyahay in ay usoo labistaan si haboon. Iyadoo si gaara lasii magacaabay dadku in ayna ku dhex xidhan Karin qolka maxkamadaynta koofiyad iyo ookiyaale.

 Jawaabta Golaha Islamka ee Victoria.

Golaha Islamka ee Victoria  ayaa ku tilmaamay in arintan ay xad gudub ku  tahay arimaha xuquuqda aadamaha, iyadoo ay ku tilmaameen in ay tahay in ayna jirin baahi go'aankan keeni karta, sabata oo ah, sida uu cadaynayo kuxigaha Madaxa Golaha Islamka ee Victoria, Adel Salman, dumarka muslimka ahi  hadaba way raacaan xeerka maxkamadaha.

Adel, oo hadlaka sii watay ayaa waxa uu yidhi: hadii loo baahdo in la ogaado shaqsiyada gabadaha muslimada ah ee niqaaban, waxaa la waydiisan karaa in ay dhinac u baydho, loona geeyo qof dumara oo nabad sugida, lana geeyo qol gaara , kadibna qofka dumarka ee nabad sugida  ayaa waydiini in ay niqaabka iska qaado, markay hubsato shaqsiyada gabadha, markaas gabadha muslimada ah wey kusoo laaban kartaa qolka maxkamada iyadoo niqaabkeeda qabta.

Dhinaca kale sandii 2017, ayaa Golaha Imaamyada Qaranka Australia,  waxa ay diyaariyeen qoraal ku saabsan  ka qaybqaadashada muslimiinta nidaamka maxkamadaha.  Arimihii ay cadeeyeena waxaa ka mid ahaa , in hadii gabadha muslimada ahi ay maxkamada ka dhaaranayso, ama ay ka makhraati kacayso dhacdo, in ayna wax dhiba ku jirin - marka la eego Shareecada Islamka - in ay wajiga muujiso ama ay banayso.

 Mucaaradka Victoria oo sheekada la booday

Mucaaradka Victoria, ayaa dhacdadan ooga faa'iidaystay in ay kusoo nooleeyaan go'aama hore oo ay ku doonayeen in ay niqaabka ku mamnuucaan.

Hogaamiyaha Mucaaradka Victoria Mattheew Guy, ayaa diyaariyay qorshe-sharciyeed, uu ku doonayo in uu dhamaan maxkamadaha gobalka Victoria uu kaga mamnuuco wax kasta oo dharra oo madaxa lagu xidho oo qarinaya qofka shaqsiyadiisa.

Qorshahan oo uu Matthew  ku magacaabay " Sharci darada xushmad la'aanta goobta maxkamadaynta " ayaa waxa uu shaaciyay in uu hawlgalin doono hadii la doorto xiliga soo socda.

Qorshahan aya waxaa ka mida in dumarka diidaa in ay wajigooda baneeyaan  iyagoo qolka maxkamadaynta ku jira, in ugu badnaan 2 todobaad la xidho, ama la ganaaxo lacag dhan $1.500.

 Jawaabta Premierka Victoria

Premier-ka Victoria Daniel Andrews,ayaa isagu ku gacan shaydhay qorshaha ay maaganyihiin mucaaradka Victoria, isagoo sheegay in Xisbiga Liberalku ay la jeel noqonayaan  Xisbiga One Nation.  Hadalkan Andrews, ayaa waxa uu milicsanayaa haweenayda madaxda ka ah Xisbiga One Nation  Pauline Hanson ,  ololihii ay u  gashay in ay niqaabka istaajiso, iyadoo baarlamaanka Australia dhexdiisa  ku dhex  xidhatay xijaab niqaab leh , ujeedadeeduna ahayd in ay indhaha baarlamaanka kusoo jeediso qorshaha ay wado.

 Qareenka Guud ee Victoria aragtidiisa

Dhankiisa Qareenka Guud ee Victoria Martin Pakula, ayaa cadeeyay in ayna jirin wax baahiya oo loo keeno sharci noocanoo kale ah, isagoo sheegay in ay sababtu tahay, in maxkamaduhu hadaba ay haystaan hanaanka ama awoodaha ay kula macaamali lahaayeen ama ay ku ciqaabi lahaayeen, haday dhacdo in qof uu amar diida ka sameeyo maxkamada dhaxdeeda.

Qareenka ayaa sheegay in uu la kulmo si joogta ah madaxda sare ee waaxda cadaalada, walina uusan ka maqlin wax tusaya in baahida sharcigan ay jirto.

Martin, ayaa sheegay in arintani ay tahay mid salka ku haysa dana gaara, sheegayna in xisbiga Liberalku ay codad kaga doonayaan dhinacyada xag jirka ah.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Gabdhaha muslimiinta ah ee niqaaban, oo laga mamnuucay hoolka maxkamada sare ee Victoria. | SBS Somali