Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Ganaaxyo loo jaray dad jabiyay xanibaadaha la xariira COVID-19

NSW Police in Sydney

NSW Police in Sydney Source: AAP

Booliska gobolada kala duwan ee dalka ayaa helaya warar ku aaddan dad aan u hogaansamayn sharuucda iyo talooyinka is-karantiilka iyo kala fogaanshaha bulshada.

Booliska NSW ayaa sheegay inay heleen 600 oo dacwooyin ah labadii maalmood ee u danbeeyay.

Dhanka kalana booliska South Australia ayaa sheegay inay soo gaareen dacwooyin badan oo la xariira shaqsiyaad iyo shirkado jabiyay xanibaadaha lasoo rogay.

Booliska South Australia ayaa abuuray nidaam ay ku kala saarayaan dacwooyinkaas si ay u go'aansadaan kuwo ugu haboon in laga jawaabo oo ay suurto gal tahay inay askar boolis ah u diraan.

Booliska NSW ayaa ugooyay ganaaxyo $1000 iyo $5000 ah shaqsiyaad iyo shirkado lagu helay inay jabiyeen xanibaadaha.

Taliyaha booliska NSW Mick Fuller ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay howlwadeenada dhagaystaan.

"Waxaan ganaax $1000 ah u jarnay haweenay 65 jir ah oo degan Lake Macquarie. Waa wax laga xumaado, haweentan Isniintii ayaa digniin la siiyay oo lagu yiri waa inaad is-karantiisho. Shalayna waxaa la qabtay iyadoo wadada maraysa, $1000 ayaana la ganaaxay. Boolisku way sii wadayaan howlahaas si ay u difaacaan shacabka. Laakiin waa inaad maqashaan fariimaha dawlada oo u hogaansantaan." ayuu yiri Mr Fuller.


2 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now