Xulufo ka kooban 23 hay'ado samafal oo Australia ka howl gala ayaa ku boorinya dawlada federalka inay door wayn ka qaadato sidii looga jawaabi lahaa qulqulada gaajo ee caalamku wajahayo.
Ku dhawaad 50 milyan oo qof oo ku kala nool 45 dal ayaa qarka u saaran macaluul ay uga sii daray dagaalka Ukraine, Covid-19 iyo isbadalka cimilada.
Qoraal ay ku doonayaan in qarash looga qoondeeyo miisaaniyada dalka ayay kooxdan la baxday Xulufada La Dagaalanka Macaluusha ayaa soo jeedinaya in Australia ay kordhiso gargaarka caalamiga ah marka la soo bandhigayo miisaaniyada 25 bisha October oo la daro qorshayaal ay ka mid yihiin sanduuq lacageed oo gaaraya 150 milyan oo doolar oo looga hortago macaluusha ka dhacda goobaha uga daran ee macaluushu ku dhufatay ee Bariga Africa, Afganistan, Suuriya iyo Yemen.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in loo baahan yahay maalgashi waqtiga dheer ah oo ku wajahan istaraatiijiyad cunto u helida caalamka iyo qorshayaal ah sidii gobolka Asiya Pacifigu uu ugu adkaysan lagaa usbadalka cimilada.
Afhayeenada u hadashay xulufadan, Mariam Veiszadeh oo ku dhalatay Afghanistan ayaa sheegtay in loo baahan yahay in talaabo degdeg ah la qaado.
”Xaaladda ay hadda ku jiraan dalal ay ku jirto Afganistan waxaa lagu tilmaami karaa mid ay dhibaatooyin badan hal is biirsadeen. Jiil dhan ayaa qatar ugu jira macaluul sababta oo ah dhibaatiyin is biirsaday, oo inta badan ka dhashay dalalka colaada ku jira. Dagaalka Ukraine iyo Ruushka ayaa keenay dhibaatooyin la xariira qadadka cuntada la isu mariyo. Waxayna runtii u baahan tahay talaabo degdeg ah oo lagu badbaadiyo nolosha malaayin."