Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Geel looga shakiyay coronavirus

Camel Milk

Source: Getty

Dhaqaatiirkta xoolaha dalka Masar ayaa geel lagasoo dhoofiyay Suudaan ka baaray xanuunka coronavirus sida lagasoo xigtay saraakiil u hadashay urur ay leeyihiin dhaqaatiirka xoolaha ee Masar.

Masar ayaa hadda ogolaanaysa in geel nool lagasoo dhoofiyo Suudaan iyadoo la raacayo sharuuc adag sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dawlada.

Saraakiisha ayaa intaa ku dartay in waqtiga la karantiilayo geela la kordhiyay iyadoo hore u ahayd 10 maalmood lagana dhigay 15 maalmood.

Tirada dadka u dhintay  coronavirus ayaa kordhay oo gaaray 304 qof. Caabuqan dilaagaa ayaa kasoo bilowday magaalada Wuhan ee China bishii disember sanadkii lasoo dhaafay.

Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO loosoo gaabiyo ayaa sheegtay in dhamaan dalalka aduunka asbuuc gudihiis lagu siindoono qalab ay ku gartaan coronavirus.


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now