Go’aamintii Matalaada Gobalka Gedo iy habraaceedii.

Gudoonka Golaha Shacaba ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Go'aan kasoo saaray matalaadii Gobalka Gedo. Arintan ayaa timid kadib markii laba degmo oo Gobalka Gedo ka tirsan mid walba laga soo doortay 16 xubnood oo sheeganaya matalaada Gobalka Gedo ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Somali Speakers and his Deputies

Source: Madar

Go’aamintii Matalaada Gobalka Gedo iy habraaceedii.

 

Go’aankii ay soo saareen Gudoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS aya marka lasoo gunaanada ahaa:

1-   Xubnihii 16 ka ahaa ee lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ayaa ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya   sida sharciga ah ugu matali doona Gobalka Gedo.

2-   Xubnihii 16 ka ahaa ee lagu soo doortay Degmada Garbahaarey ma aha Xubno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.

 

Cadeymaha ay u cuskadeen go’aanka

 

Gudoonka Golaha Shacabku, waxa ay u cuskadeen go’aan ka gaadhistooda xubnaha Gobalka Gado arimaha soo socda :

A-  Habraacii Doorashada Dadbadan ee 2021/2022 yaa kusoo baxay ama lasoo mariyey labada dhinac.

B-  Raysul-wasaaraha XFS dhinacee ayuu ayidsanaa.

C-  Gudoomiyihii KMG ahaa Xildhibaan Amb Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) go’aankee ka qaatay markii muranku soo baxay.

Qodabadan kor ku xusan hadaynu yara cadeynu waxa ay tahay:

A-  Habraaca Doorashada Dadbani shaldhiga u ah waa heshiiskii la gaadhay 17 September 2020, labada aqal ee baarlamaankuna ansixiyeen, nuxurkiisuna ahaa : in Soomaaliya laga qabto Doorasha Dadban, oo dawlad gobaleedyadu ay  laba goob-doorasho ku qabanayaan doorashada. Dhanka Jubaland ayaa waxa uu heshiiskaasi dhigayey in Kismayo iyo Garbahaarey lagu kala qabto doorashada xildhibaanada.

Qodabkan “heshiiska 17 September 2020”  ayaa u muuqday in uu ahaa waxa ugu mihiimsanaa ee ay ku dhaganaayeen, naruuradana ka dhiganayeen xubnihii 16ka ahaa ee Garbahaarey laga soo doortay, iyadoo halkudhagoodu ahaa “waxaanu ku nimid heshiiskii 17 kii September 2020, sidaas darteed anagaa sharci ku nimid”.

Heshiiskii 17 September 2020, iyo hooriskiisii

Heshiiskii 17 September 2020 - oo Xubnihii 16 ka ahaa ee laga soo doortay Grabahaarey ay ku dhaganaayeen - ayaa dhaawac adag soo gaadhay markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo si shakhsi ah uga dhex cadeystay waqtigii kulamadii Dhuusamareeb in Garbahaarey doorashadeeda isagu maamuli doono , kadibna masuuliin la yaqaano uu u xil saaray, taas oo ahayd tii Madaxweynaha Jubaland Ahmed  Maxamed Islam uu dhankiisa  arintaas si adag uga soo hor jeedsadey, keenayna doodii ahayd, “hadii Dawlad Goboleedyadu min hal magaalo (oo goob doorasha ah) madaxweynaha uga tanaasulayaan anigu diyaar baan ahay, hadii kalese arinkaas Jubaland ma aqbalayso”.

Khilaafkan u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Jubaland ee maamulida deegaan doorashada Garbahaarey, ayaa marxalada badan soo maray, ugu danbayntiina gaadhay in Jubaland ay ku dhawaaqday in Garbahaarey ayna amaan ahayn doorashana ku qaban karin.

Hawsha Garbahaarey oo mudaba cakirneyd, ayaa Gudidada Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa ay go’aansadeen in ay Gudi iyaga ka mida u diraan Garbahaarey, ayna soo qiimeeyaan in doorasha lagu qaban karo iyo in kale.

Balse Maamulkii Degmada Garbahaareey, oo si toosa Federaalka uga amar qaadanayey, ayaa diiday in xubnaha gudida FEIT ka socday ay yimaadaan Garbahaarey.

Dhacdadaas loogu diiday Gudiga FEIT in ay Garbahaarey yimaadaan ayaa waxa ay keentay in gudigu ay go’aan ka qaadatay deegaan doorashada Garbahaarey . Gudiga FEIT ayaa 13/April 2022, waxa ay  soo saartay warqad ay ku cadeyneyso in deegaan doorashadii Degmada Garbahaareey in ay go’aan ka qaateen una badaleen Degmada Ceelwaaq ee isla Gobalka Gedo.

Gudiga FEIT ayaa sabab uga dhigay go’aankoodaas: in ay Degmada Garbahaarey ka jiraan caqabada amni, sidoo kalena maamulka magaalada Garbahaareey ay u diideen xubna ka socday Gudiga FEIT in ay qiimayn u yimaadaan, sidoo kalena ay tixgaliyeen warqad ay Gudidga SEIT usoo dirtay Gudiga FEIT oo ku taariikheysneyd 30/03/2022, nuxurkeeduna ahaa in aan Garbahaareey doorasho lagu qaban karin, amaankeeduna uusan sugnayn.

Habraacii inagoo ku soo noqoneyna, sidaas darteed labadii gudi, Gudiga FEIT iyo Gudiga SEIT waxa ay mid waliba ka qaadatay kaalintii kaga aadaneyd ee agaasinka iyo qabashada doorashadii ka dhacdey Degmada Ceelwaaq, sidaana ay ku mariyeen Habraacii Doorashada Dadban.

Dhinaca kale xubnihii 16ka ahaa ee laga soo doortay Garbahaarey - marka laga yimaado qodabka “Heshiiskii 17 September 2020” oo aynu diirada saaray halka go’aankasi ku danbeeyey – ayaan iyagu Habraaca Doorashada Dadban markey noqoto Gudiga FEIT & Gudiga SEIT, aanan haysan ogolaashahooda ama aqoonsigooda, ha noqoto agaasinka doorashadoodii, shahaada siintoodii heer global, ama shahaada siintoodii iyo dhaarintoodii heer federaal iyo kaar qaadashadoodiiba.

B-  Raysul-wasaare Maxamad Xuseen Rooble, dhankiisa ayaa isagu u xilsaaran gadhwadeena ka ah arimaha doorashooyinka iyo amnigooda, waxa uuna si buuxda u ogaa una aqbalsanaa ku qabashada doorashada Degmada Ceelwaaq, maadaama ay adkaatay in Garbahaarey lagu qabto doorasho sidii markii hore qorsheysneyd.

C-  Gudoomiyihii KMG ahaa ee Aqalka Shacabka ee Baarlamaanka 11aad Amb Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad) ayaa isaguna maalmihii hawsha loo igmaday u aqoonsaday Xubnihii kasoo baxay Degmada Ceelwaaq kuwa sida sharciga ah ku matalaya Aqalka Shacabka ee 11aad Gobalka Gedo, isagoo goob joogna ka ahaa dhaarintoodii, shahaada siintoodii iyo kaarar siintoodiiba.

Qodabadaas sida kooban aan u sheegnay ayaa ahaa Gudoonka Baarlamaanka Shacabku qodabadii ugu mihiimsanaa ee ay ku saleeyeen, xeeriyeena markii ay qaadanayeen go’aanka ay ku dhawaaqeen ee ay sharciyada matalaada Gobalka Gedo ee Baarlamaanka 11aad ku siiyeen 16 kii xubnood ee laga soo doortay Degmada Ceelwaaq, kuna diideen 16 kii xubnood ee laga soo doortay Degmada Garbahaarey.

Mohamed A Madar.

09/05/2022


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Go’aamintii Matalaada Gobalka Gedo iy habraaceedii. | SBS Somali