Golaha wasiirada dawlada Alabanese oo la dhaariyay

Prime Minister Anthony Albanese and his cabinet pose for photographers after swearing-in ceremony at Government House in Canberra, Wednesday, June 1, 2022. Prime Minister Anthony Albanese has unveiled the make up of his first frontbench, with a record 13

Prime Minister Anthony Albanese and his cabinet pose for photographers. Source: AAP

Golaha wasiirada cusub ee RW  Anthony Albanese ayaa maanta la dhaariyay waxaana golaha wasiirada ka mid ah tiradii ugu badnayd taariiqda oo haween ka mid noqda golaha wasiirada dalka.

Dhaarinta 30 ka  xubnood ee golaha wasiirada ayaa ka dhacday aqalka dawlada ee uu degan yahay Govorner Generalka ee ku yaal Canberra, waxaana ka mid ah 13 haween ah oo loo magacaabay jagooyin wasiirnimo.

RW ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada shalay galabtii isagoo isu dheeli tiray wajiyo cusub iyo xildhibaano hore uga mid ahaa dawladihii hore ee Laborka.

Dhaarinta ayaa ku soo aadday iyadoo Laborku ku guulaysteen 77 xildhibaan oo ka mid ah aqalka wakiilada kadib markii kursiga la isku hayay ee Gilmore oo ku yaal NSW South Coast ay ku guulaysatay Fiona Phillips oo hore u haysatay kursigaas. Taas ayaa macneheedu yahay in Laborku hadda haystaan aqlabiyad ku filan oo aysan u baahnayn taageerada cid kale si ay shuruucda u marsadaan aqalka hoose ee baarlamaanka.

Golaha wasiirada ayaa waxaa markii ugu horaysay taariiqda ku jira labo wasiir oo Muslim ah. Ed Husic oo laga soo doorto NSW ayaa laga dhigay wasiirka warshadaha iyo sayniska, halka Anne Aly loo magaacabay wasiirada dhlinyarada.




Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand