Dawlada federalka Australia ayaa maanta oo Tlaado ah soo bandhigtay hindise sharciyeed ciqaabo adag lagu marinayo shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyada sida Apple iyo Facebook haddii ay la shaqayn waayaan hayadaha maanka.
Sharuucdan cusub ayaa waxaa ka mid ah in awood qasan kaga dhigaysan inay shirkadahaasi furaan macluumaadka ku jira qalabkooda sida mobile phonada iyo warbaahinta bulshada.
Shirkadaha teknoolijiyada iyo kooxaha u dooda arimaha madaniga dadka ka digaya in isbadaladan ay wiiqayaan ilaalinta macluumaadka gaarkaa ee dadku leeyahay laakiin eedahaas waxaa dafiray dawlada.
Wasiirka qaabilsan amaanka xaga internetka Angus Taylor ayaa sheegay in isumiisaan sax ah u samaynayso amaanka iyo ilaalinta macluumaadka gaarka ah.
Wasiirka ayaa yiri " Waa lagama maarmaan in la tilmaamo in sharcigan uu si cad in la hubiyo in dawladu aysan waydiisanayn shirkadaha inay qafiifiyaan nidaamka xafidida macluumaadkooda..Waxaan doonaynaa in macluumaadka lasoo adkeeyo ee ma doonayno in la qafiifiyo. laakiin waxaan aaminsanahay inaan miisaanka meel dhexe gayn karno oo aan daruufo gaar ah markay dhacaan aan heli karno macluumaadka aan u baahan nahay si aan u baarno oo sharciga u horkeeno danbiilayaasha.