Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga jirdilka ayaa baajiyay booqasho ay ku tagi lahaayeen Australia, iyagoo sabab uga dhigaya dhibaatooyinka sii socda ee helitaanka qaar ka mid ah xarumaha lagu hayo ee dalkaas.
Guddi-hoosaadka Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Jirdilka [[SPT]] ayaa sheegay inaysan sii wadi karin booqashada sababtoo ah codsigeeda ku aaddan helitaanka tas-hiilaadka New South Wales iyo Queensland ayaan lafulin.
Booqashooyinkan ayaa ah qayb ka mid ah tillaabooyinka loo baahan yahay taasoo Australia ay ogolaatay markii ay ansixisay Hab-maamuuska Ikhtiyaariga ah ee Axdiga ka dhanka ah Jirdilka iyo noocyada kale Daawaynta kale ee Arxan darada, Bini'aadantinimada ka baxsan ama Sharafta leh - oo loo yaqaan OPCAT - 2017.
Gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka ee Australia Lorraine Finlay ayaa sheegtay in burintaasi ay tahay baraarujin loogu talagalay Australia in ay u hogaansanto heshiiska oo ay dib u xaqiijiso ka go'naanshaheeda OPCAT.
[["Tan iyo 2007, UNSPT waxay samaysay in ka badan 80 booqasho in ka badan 60 waddan oo kala duwan, marka Australia nasiib darro hadda waa mid ka mid ah labada waddan ee kaliya ee laga joojiyey booqashooyinkaas. Tani waxay diraysaa fariin xun, ma aha oo kaliya marka la eego guuldarada in loo hoggaansamo heshiiska lagu soo gaabiyo OPCAT, oo runtii ah heshiis xuquuqul insaanka oo muhiim ah, laakiin sidoo kale waxey leedahay saamayn ballaadhan marka la eego hoos u dhigista sumcadda caalamiga ah ee Australia marka ay timaaddo xuquuqul insaanka oo runtii dhaawacaysa kalsoonidayada masraxa adduunka."]
Afhayeen u hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Australia, Mark Dreyfus, ayaa sheegay in dowladdu ay aad uga xun tahay go'aanka guddi-hoosaadka.
Ruwaanda ayaa ah dowlada kale ee kaliya ee sidoo kale laga joojiyey kormeerkii Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga jirdilka.