Gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la dhisay.

Gudiga doorashada Madaxweynaha oo si dhameystiran looga soo wada doortay labada gole ee baarlamaanka Soomaliya. Hawsha doorashada ayaa hada wixii ka danbeeya loo daba fadhin doonaa Hawlaha doorashooyinka madaxweynha Soomaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aaden Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo saaray liistada gudiga Golaha Shacabka ee loo xilsaaray qabashada doorashada Madaxweynaha Soomaliya .

Gudidan Golaha Shacabka ka socota - ee qabanqaabada doorashada madaxweynaha - ayaa ka kooban 11 xubnood, (10 xubnood oo goluhu soo doortay, iyo 1 xubin oo gudoonku magacaabay).

Gudigan ayaa waxaa la jira 6 xubnood oo aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya uu soo doortay, iyada oo tirada guud ee Gudida Qabashada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay sidaas ku tahay 17 xubnood.

Xubnaha Gudiga Qabashada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iyagu iska dhex dooran doono gudoomiye hogaamiya, sidoo kalena soo saari doona habraaca doorashada Madaxweynaha Soomaliya, iyagoo soo shaacin doona goorta iyo goobta ay doorashadu dhici doonto.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2022 ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha May dhexdeeda.

 
 

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la dhisay. | SBS Somali